DHAGEYSO:-Cabdi Qaasim Oo Ka Hadlay Halka ay ka Timid Cuqubada Soomaalida Haysata iyo Ciddii Dowladdiisii Hor Joogsaday.

pizap.com14455061385851

Cabdi Qasim Salaad Xasan ayaa  sheegay in dhibaatada Soomaalida haysata ay ugu wacan tahay, iyagoon ku dhaqmeyn Diinta Islaamka iyo qabyaaladda oo qalbiyadooda ku weyn.

“Soomaaliya ciqaab ayaa ku dhacday ilaah xagiis ayayna ugu dhacday” Cabdiqaasim Salaad.

Waxa kale oo uu sheegay in cuqubada Soomaalida haysata sababteeda uu wax ku lahaa maamulkii  uu ka tirsanaa ee Maxamed Siyaad Barre hogaaminayay, kasoo maalin cad Diinta Islaamka u gefay Culumadii ka hortimidna laayay.

Asigoo hadalkiisa sii wata ayuu ka hadlay cidda hor joogsatay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa ee dalka jabuuti lagu dhisay sanadkii 2000.

Wuxuu sheegay in dowladaha reer galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyo iyo Itoobiya aad uga soo hor jeedeen.

Wuxuu sheegayaa in maamulkiisa lagu suntay in ay ku jiraan waxa aragagaxisada loogu yeero oo looga jeedo dadka muslimiinta ah.

Iminka ayuu sheegay in DF ah aqoonsiga Maraykanku siiyay iyo ku meelgaarnimada laga saaray aanay waxba soo kordhin oo madaxa cagta looga hayo.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS