Jawaab cellino kala duwan ayaa laga bixiyay tallaabadii ay dowladda Itoobiya ku bedeshay calanka soomaaliya islamarkaana calanka cusub ay ugu samaysay dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaasha shisheeyaha la shaqeeya.
Siyaasiga Cabdullaahi Cali Xagaleey ayaa sheegay in Soomaaliya ay Itoobiya ugacan gashay isagoona xaqiijiyay in Jeneraal Gabre uu calanka Soomaaliya bedelay xilli Xasan Gurguurte hareer taagnaa.
Aqoonyahanada ayaa wixii ka dhacay xerada Xalane ku sifeeyay fadeexad iyo karaama dil lagu sameeyay hoggaamiyaasha dabadhilifyada ah ee mid walba uu sheegto madaxweyne dal u taliya.