MIDNIMADA MAXAA LAGU GAARI KARAA?“Indhaha aad isku aragtaan cadaawaha iskaga eega” Abwaan Xaaji Aadan Af Qalooc,AUN.

34982076

Ummamka dunida ka jiraa xoogoodu wuxuu ku dhisanyahay midnimadoodu inta ay le’egtahay, sidaa daraadeed baa waxaa la yiraahdaa, midnimadu waa waxa ay ummaduhu ku gaaraan meesha sare ee sharafta leh. Waa waxa ay dantooda ku gaari karaan. Waa waxa keena iney bulsho noolaato iyadoo deggan oo xasiloon. Waa waxa keena ummadi ineey noqoto dad laga cabsado, la tixgaliyo ama la maamuuso. Midnimadu waa quwad, waxay ka mid tahay sunanta kowniga ah ee hadii la qaato lagu gaaro guusha, hadii la gudub marana lagu mutaysto in basharka loogu hoos maro. “يد الله مع الجماعه” (Eebbe wuxuu la jirankooda yahay jmaacada).

Midnimada aadamaha oo keliya horumar kuma gaaro ee xitaa cayayaanka ayaa markay midaysanyihiin oo ay wada shaqeeyaan u suurta gasha ineey sameeyaan wax markii caqliga aadamaha loo bandhigo la yaab ku noqda. Tusaale, shinnidu markay xoogeeda midayso oo ay wada shaqayso waata aad aragteen malabka ay samayso. Shaacirkii da’da yaraa ee Mohamed Muumin “Ababe” waa tii uu lahaa:

“Shinniduba itaal ma leh

Markay wada shaqaysana

Waataa malabka shiishee

Shixnadaha sameysee

Haamaha ku shubatee

Aadmigu shaxaadaan

Ummadaha shirkoobee

Xidigaha ku shirayana

Midnimeey shifeesteen”

Way fududahay hadii la helo shuruudahan soo socda:

* Ilaahay dartii oo la’isku jeclaado

* wax wadaagis

* isu dul qaadasho

* isu tanaasul

* isu naxariisasho

* is aaminaad

* isu hibeyn

* danta guud oo laga wada shaqeeyo

* caddowga oo hal dhana loogaga soo wada jeesto, innaan la noqon doqontii la yiri labo iyo toban indhood bay leedahay; kow iyo tonban indhood inta u xigta ayeey isaga eegtaa, il kaliyana caddowga ayey isaga eegtaa. Xaaji Aadan “Af Qalooc” (AUN) waa halkii uu ka yiri “Indhaha aad isku aragtaan cadaawaha iskaga eega”. Waa hubaal hadii intaa la inaga helo innaynu gaareyno halkaan hiigsanayno; Qof ahaan, Qoys ahaan, iyo Qaran ahaanba.

Waxaa kaloo xussid mudan aboorka yar yar ee aad aragteen itaalkiisa. Aboorku wuxuu dhisaa dudumada aad wayninkeeda wada taqaanaan ee xitaa dadka xoololayda ah markay xoolaha ka lumaan ay bidhaansadaan. Ninkii indhaha la’aa ee dudumada taabtay waa tuu yiri “ Waa yaab!!, waa shama reer !!, waana amakaag!!”, waa yaaboo duduntaan intan le’eg aboorbaa dhisay, waa shama reer oo candhuuftiisuu ku dhisay, waa amakaag (yaab) oo habeenkii buu dhisaa. Waxaa yaabka yaababkaas oo dhan ka sii yaabka badan uu yahay dhamaanteenna aan ku qanacsanahay ineey wadajir ugu suurta gashay in uu dudumada intaa le’eg dhiso. Abwaan Xaji Aadan “Af Qalooc” (Alle ha u naxariistee) waa halkii uu inooga hoga-tusaalaynaayey markii uu lahaa:

“Aboorkuba allaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
 Markuu ururay daartuu abyeybaa la ashqaraaraaye
Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene”

34982016

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS