Dowladda Uganda oo Joojisay Tababaradii ay siin jirtay Maleeshiyaadka Dowladda Federaalka.

pizap.com14457045760651

Xukuumadda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan taageeradii ay siin jirtay maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ee dagaalka kula jira Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada magaalada Kampala oo lagasii daayay warbaahinta afka dowlada ku hadasha ayaa lagu xaqiijiyay in la joojiyay kumanaankii maleeshiyaadka Soomaalida ahaa ee sanad walba lagu tababari jiray xeryaha melleteriga wadanka Uganda.

Afhayeenka ciidanka UPD-ta Paddy Ankounda ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ay laaleen mashruucii ay tababarada kusiinayeen wax uu ugu yeeray ciidanka dowladda Soomaaliya oo uu ula jeedo maamulka Xasan Gurguurte.

 “Dowladda Uganda waxay joojisay tababaridda ciidamada Somalia oo ka mid ahaa shaqada ay Q.Midoobe u xilsaartay dowladaha ka qeyb qaadanaya Howlgalka AMISOM” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Uganda.

Uganda waxay sheegtay in ay isisoo tartay cabsida laga qaabo suurtagalnimada in maleeshiyaadka loo tababarayo dowladda Federaalka ay hubka lasiiyo iyo khibradda melleteri ay ula goostaan dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Saraakiil reer galbeed ah ayaa horay u sheegay in ciidamo DF-ka loogu tababaray xerada Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho ay isku dhiibeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kadibna khibraddii ay kororsadeen lagula dagaalamay shisheeyaha AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi