Magaalada Godey ee xarunta Gobolka Shabeele waxaa kasocda arin murugo badan oo gabi ahaan lagu dhaxal wareejinayo dhul beereedkii degmada Godey.
Magaalada Godey waxaa mudo Todobaad ah kusugnaa kooxo kala duwan oo isugu jiray saraakiishii Hawlgabka noqotay ee ciidamada Woyanaha iyo shakhsiyaad lagu barxay oo horay madax uga soo noqday maamul kusheega Kililka” Maamulka Xabashida” waxaana kooxdaasi lasiiyay dhul beereed inta badan dadkii lahaa laga fara maroojiyay.
Hadaba 21-kii bishan ayaa waxaa kale oo magaalada gaaray koox Ganacsato Itoobiyan ah oo u badan Qoomiydaha Axmaarada iyo Tigreega, kuwaasi oo dhul beereedkii ugu badnaa la milkisiiyay iyadoo dadkii dhulkaasi lahaa ay taagan yihiin.
Mid kamida ehelada dadka dhul beereedkooda lagu wareejiyay Ganacsatada Itoobiya kasoo Hayaantay ayaa noo sheegay in shakhsiga lagu magacaabo Guuleed Cali horkacay kuna wareejiyay dhul balaaran oo dadkii lahaa ay taagan yihiin.
Waxaa uu sheegay muwaadinku in arintani ay sitoos ah u fulinayaan maamulka Jigjiga Horjoogayaasha maamulka Gobolka iyo kan degmadana waxaa lagu amray inay dhamaan dadka loo soo diro ee magaalada yimaada ay kuwareejiyeen dhul beereedka muhiimka ah.
Arintani ayaa ah mid lagu barakicinayo Guud ahaan shacabkii waligood dhulkan soo lahaa ee soo beereen jiray, kuwaasi oo qaarkood laga wada qaatay dhul beereedkooda, waxayna arintani hordhac u tahay Qorshaha maamulka Woyanuhu uu kudoonayo inuu ku dhaxal wareejiyo dhulka Khayraadka leh ee Soomaali Galbeed.
Damaca Tigreega ayaa ah mid aad xun,waxayna hada cagta ku hayaan inta badan gayiga Soomaaliyeed,hadii aan aan dacar loo marina waxay la wareegi doonaa dhulka beereedka Hiiraan,Bay & Bakool,Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada hoose.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS