Fadlan Walaal Akhri Qormo Xasaasi ah oo ka Hadleysa Sida Mareykanka iyo Reer Galbeedka ay Itoobiya iyoKenya ugu Gacma Qabteen Soomaaliya.
Dalka Mareykanka 47 sano ayuu la dagaalamaayey Shuuciyadii ka jirtey meelo badan oo caalamka ah ugu dambeyntiina dagaalkii qaboobaa waa dhamaaday, midowgii soofiyeeti oo shuuciyada horseed ka ahaana waa la furfuray sidoo kalena darbigii Baarliin ee dalka Jarmalka kala qeybinayey meesha waa laga saarey waxaana Mareykanka uu noqday quwada ugu xooga badan aduunka ha ahaato mid siyaasadeed, militari, dhaqaalo, iyo dhaqan “ political, military, economic and culture” mana dhicin taariikhda aduunka in hal gacan oo kaliya ay kulansato afartaas awoodood.
Waxaa cadaatey in mareykanka markuu arimahaas ku guuleystey inuu u soo jeestey in cid kasto oo danahiisa ka hortimaado uu ku darey liiska argagixisada gaar ahaan wadamada islaamka sida madaxweynahii hore ee mareykanka Bush uu yiri “qofkaan anaga nala jirin wuu naga soo horjeedaa”
Hadaan u soo daadego dulucda maqaalkan sida la ogyahay mareykanka iyo reer galbeedku waxey soomaaliya u soo adeegsadeen labo dowladood oo aan deris nahay waa kenya iyo Itoobiya oo dal iyo dad naga heysta iyadoo Maanta si gaar ah Itoobiya dhaqaalo badan lagu siiyo xasuuqa, burburinta dhaqaalaha iyo barakicinta shacbiga soomaaliyeed.
Xaqiiq ahaan marka loo hadlo Dadka soomaaliyeed waa umad cadowgoodii soo jireenka ahaa ee Itoobiya iyo Kenya gacmaha ay u qabteen mareykanka iyo reer galbeedka sida hada ka hor ku dhacday Bosniya oo dadkii Boosniyaankii muslimka ahaa loo gacmo qabtay Seerbiskii kirishtaanka ahaa oo lagu sameeyay xasuuq intii yared ee ciidamadii qaramada midoobey ee UN,ka iney magan galiyaan loo xilsaarayna ayagana waa la xasuuqay oo waliba waa lagu fiirsadey ama lagu daawadey !!!
Hadaba mar hadii xaalka sidaas yahay aduunyada waxaan xasuusineynaa in Itoobiya ay naga dhexeyso colaad soo jireen ah dhawr jeerna ay dagaalo na dhex mareen, waana fal cadowtooyo iyo mid argagixiso ah in la dhaho Itoobiya hubka ha ka dhigto Soomaaliya taasina waa wax aan dhici karin, waxeyna la mid tahay iyadoo la yiri dalka Waqooyiga Kuuriya hubka ha ka dhigto wadanka ay cadawga isku yahiin ee Koonfurta Kuuriya ama Giriiga hubka haka dhigo Turtkiga!!
Soomaalida wadaniyiinta waa dad xaqdaro ka dagaalamayo, dad dhulkoodii la doonayo in xoog lagu qaato oo bulsho ahaan iyo dhaqaalo ahaana loo burburiyey si isticmaarka naloo hoos galiyo, mana nihin argagixiso balse qof xurnimo u dirirkiis waa qof kale argagixisadiis sida uu horey u yiri halgamaagii reer hindiya Mahadma Gandhi “ One man´s fighting for freedom is another man´s terrorist “ mana yeeleyno oo waan ka dagaalameynaa mana laga yaabo inaan madaxeeno u foorarino kuwa dalkeena, dadkeena iyo diinteena duulaanka ku ah kana leh dano siyaasadeed , mid dhaqaale iyo mid milateri intaba, Inaan dalkeena difaacno waa sharci aduunkoo dhan u yaalo, diinteena islaamka ayaa na amreyso garaadkeena iyo soomaalinimadeena ayaa na fareyso, Dawlada Itoobiya ee Tikreeyga uu maamulo ummada soomaaliyeed kama adkaan karaan taariikhda dib u fiiriya.
Xaqiiqadu waxa weeyaan soomaaliya nabad la lama rabo, dowlad la lama rabo waxa la rabaa waa danaha Tigreeyga ama Wayaanaha in la fuliyo, waa in shacbiga kiristaanka ee laga tirada badan yahay uusan xukunka gacantooda ka bixin, Itoobiya iyo Kenya hadafkoodu waa sidey u bedeli lahaayeen Calankaan Shanta Xidig leh si ay u dhamaato sheegashada Soomaali Galbeed iyo NFD, hadaba ogaada soomaaliyey korkeena ayaa lagu hishiiyey bohol dheer ayaa naloo qoday xaabana korkaa laga saaray.
Dhinaca kalena dowlada soomaaliya xooga ay garabsaneysa waa Itoobiya, waa yaab dowlad iyo shacbigeedii la kala ilaalinaayo, dowlad laga ilaalinaayo shacbigeeda iyo shacbi dowlad aysan rabin lagu qasbaayo.
Waxba yuusan qalinku ila turun turoonine waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan mar hadii dalkii uu heysto gumeysi iyo madax daba dhilafyo ah waa waajib soomaaliyey in dalka la xureeyo, soomaaliyana soomaali baa leh, gumeystaha soo duulay iyo ninka geyigiisa difaacaayo, guushu waxey raacaysaa wadaniga xaq u dirirka ah, Xaaqin iyo Dhul, Xaaqinka ayaa dhamaado.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqiriyaan qormadan.
Qalinkii: Yoonis Aadan (Cigalley )