Mas Askar Itoobiyaan ah Ku Dilay Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo.

34997068 (1)

Wararka laga helayo degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in tiro ka tirsan askarta Xabashida Itoobiya Mas ku dilay gudaha degmadaasi’iyadoona tiro kale oo askar Itoobiyaan ah xaaladooda aad u liidato.

Maska ayaa laxaqiijiyay in askarta Itoobiya difaac weyn oo ay ka sameysteen degmada si lama filaan ah ugu galay taasi oo sababtay baqtiga shan askari Itoobiyaan ah oo Maska uu qaniinay.

Sidoo kale waxaa xaaladooda laga deyrinayaa afar askari oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo iyaguna Maska uu qaniinay taasi oo isugu geynta tirada askarta Itoobiyaanka ah ee galinkii dambe ee shalay Maska ku qaniinay degmada Buurdhuubo ka dhigeysa ilaa 9 askari oo Itoobiyaan ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo askar ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta Mas uu ku dila goobaha dalka Somalia kaga suganyihiin’iyadoona dhowr bilood ka hor ay aheed markii sidoo kale Mas weyn askar Burundeys ah ku qaniinay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan,Waxaa kale oo tiro Ugandhays ah mas ku cunay Baraawe kaaso ka sida la sheegay ka yimid dhinaca bada ka dib ku noqday.

Waxaa la yaab leh in Masaskaas  kali duulka ah aan la dilin,waxayna abuureen cabsi iyo qalqal joogta oo haya ciidamada shisheeye.

Awoodaha ALLAH ayaa badan,in loo mahad celiyana kaligiis ayaa leh.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.

Muuse Malaay.