DHAGEYSO:- Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil “Aniga hadaan ahaan lahaa madaxweyne waan ka xishoon lahaa inay i ilaaliyaan ciidamo Ugandha ah”

35002345

Mid kamid ah xildhibaanada Kenya ayaa ka hadlay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Kenya.

Wuxuu jeediyay hadal dad badan ka yaabiyay kaasi oo ahaa soo jeedin ku aadan in qaxootiga Soomaaliyeed loo qeybiyo dalalka Caalamka.

Ilyaas Barre Shiil ayaa dhanka kale ka hadlay shisheeyaha gumeysta Soomaaliya ee dhisay Dowladda Xasan Sheekh.

“Soomaaliya waxaa la geeyay Amisom oo ah Ciidamo shisheeye, aniga hadaan ahaan lahaa madax weyne waan ka xishoon lahaa inay i ilaaliyaan ciidamo ugandha ah”ayuu yiri Ilyaas Barre Shiil.

Wuxuu sheegay in dowladda uu u taliyo Nicholos Kay oo wakiil ka ah gumeystaha.

Dhageyso Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil.