War kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Muungaab laga xayuubiyay xilkii uu hayay,iyadoo aan la sheegin sababta looga qaaday xilka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir loo magacaabi doono Sarkaal katirsan Ururka Damul Jadiid waxaana lagu magacaabaa Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Xasan Sheekh ayaa qorshaynaya in uu isbedel ku sameeyo dhammaan guddoomiyaasha gobolka Banaadir sidoo kale waxaa la sheegayaa in wasiirrada ugu muhiimsan ee xukuumadda laga dhigi doono Damul Jadiid,Villa Somalia ayaa dajisay qorshe ah in xilalka ugu muhiimsan ee xukuumadda lagu tixo shakhsiyaad katirsan Xisbiga Damul Jadiid inta aan la gaarin sanadda 2016-ka xilligaasi oo ay doorasho dhici doonto.
Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sanadadii lasoo dhaafay ku noolaa Masar isagoo xubin ka ahaa Damul Jadiid balse dhawaan ayuu Muqdisho soo gaaray waxaana u yeeray Xasan Gurguurte.
MAXAA LAGU XUSUUSAN MUUNGAAB OO DADKA MUQDISHO UGU YEERAAN MAANGAAG!
LA SOCO,INSHALLAH.