Dowladda Uganda oo Sheegtay in Al Shabaab aan Melleteri ahaan looga adkaan karin Quusna Ka Muujisay Duullaanka Soomaaliya.

35014536

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Uganda ayaa lagu sheegay in fashil ay qarka usaaranyihiin duullaanada ka dhanka xarakada Shababul Mujaahidiin ee soomaaliya ka socda.

Sam Kutesa oo ah wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa wareysi dhinacya badan taabanaya oo uu siiyay wakaaladda wararka shiinaha wuxuu ku sheegay in dagaalka ciidanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM uga jiraan soomaaliya uu waqti dheer qaatay islamarkaana aan laga adkaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Isagoo hadlayay ayuu yiri Sam Kutesa “Dagaalka ay ciidamadeenu uga jiraan Soomaaliya waqti dheer ayuu qaatay mana muuqato guul laga gaaray Al Shabaab,waxaan aaminsanahay in hab melleteri aan Al Shabaab looga adkaan Karin”.

 Uganda waxay sheegtay in uusan shaqayn doonin qorshahay Midowga Afrika ee dhigaya in awood lagu maquuniyo muslimiinta soomaaliya ee xarakada Al Shabaab ay horkacayso.

Sam Kutesa ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika in tabab iyo qaabab kale u wajahaan Al Shabaab iyo Jamaacada Boko-Haram ee Naigeria ka dagaalanta.

Warkan quusta muujinaya ee kasoo yeeray dowladda Uganda ayaa ka imaanaya bil kadib markii weerar ka dhacay degmada Janaale xarakada Al Shabab ay ku dishay in kabadan 100 askari Ugaandheys ah iyadoona ciidamada Uganda ay isaga carareen degmooyin iyo deegaanno katirsan sh/Hoose Koonfurta Somalia.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@yahoo.com