SAWIR LAGA MAXO:-Halkan Ma aha Mashad “Iiraan” Ee Waa Muqdisho!

Sawrikan waxa uu tilmaan ka bixinayaa heerka ay marayso howlaha Shiiciyeynta ah ee Dowladda Iiraan ka wado magaalada Muqdisho.

Jaakadda uu sito wiilka yar waxaa lagu qoray “Labeyk Yaa Xuseyn” waana Shicaar ay caan ku yihiin Shiicada Rawaafidda ah, kuwaas oo sheegta inay jecel yihiin Aalu-Beytka, balse xaqiidii aad oga fog waxa ay sheegteen, iyagoo caaya qaar ka tirsan Saxaabada Rasuulka SCW.

Magaalada Muqdisho waxaa saldhig ku leh Hey’adda Imaam Al-Khumeyni oo ah Urur ku gabbada magaca Samafalka, hase yeeshee Dowladda Shiicada ee Iiraan u qaabilsan sidii mad-habka Shiiciga loogu faafin lahaa guud ahaan Caalamka.

Gudoomiyihii hore  Gobolka Banaadir Muungaab ayaa hory ula yaabay sida loo shiicaynayo dadka Banaadir   ku nool wuxuuna sheegay in Maamulkiisa uu talaabo ka qaadi doona cidii lagu helaa iyadoo Madhabkaasi ku faafineysa Magaalada Muqdisho.

Hey’ad lagu Magacaabo Khumeyni ayaa Muqdisho kawada ololo balaaran oo ka dhan ah shacabka Muslimiinta Ee ku dhaqan Muqdisho.
Hey’ada ayaa ka howlgalaysa xerooyinka barakacayaasha iyadoo iskuulo iyo masaajid ka dhistay Magaallo madaxda Soomaaliya Ee Muqdisho.
Hey’adda Khumeyni ayaa Muqdisho ku qabatay xaflad ay isugu mehrisay dhalinyaro gabdho iyo wiilal isugu jira oo kor u dhaafaya 30 ruux.

“Gobolka Banaadir aniga ayaa maamula mana ogolaan karo in muslimiinta sunniga ah shiico loo rogo,hay’adaha ammaanka waxaan ka codsanayaa in ay tallaab ka qaadaan kuwa faafinaya fikirka shiiciga”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muungaab,Gudoomiyihii hore gobolka Banaadir.

Maxaad ka taqaan Shiicada?!!! iyo Shiikh Shabcaan

DHAGEYSO:-Iiraan oo Xoojisay Shiiceynta ay Ka wado Muqdisho!

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS