Maxaabiista geeriyoota maydadkooda kolkay toban toban gaadhaan unbaa la aasaa!!

Ilaahay SWT wuxuu Naftiisa ka xarrimay dulmiga, Addoomadiisana wuu ka xarrimay inay isdulmaan dhexdood “يا عبادي، إني حرمتُ الظلم على نفسي وجعلته بينكم محرَّمًا فلا تظالموا” Aadbay ubadan tahay nusuusta kutimid dulmiga iyo foolxumadiisa waxaana kamid ah:- (وَلَا تَحْسَبَنَّ اللَّهَ غَافِلًا عَمَّا يَعْمَلُ الظَّالِمُونَ ۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍ تَشْخَصُ فِيهِ الْأَبْصَارُ) [Surat Ibrahim 42] (إِنَّ اللَّهَ لَا يَظْلِمُ النَّاسَ شَيْئًا وَلَٰكِنَّ النَّاسَ أَنْفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ) [Surat Yunus 44] (مَنْ عَمِلَ صَالِحًا فَلِنَفْسِهِ ۖ وَمَنْ أَسَاءَ فَعَلَيْهَا ۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّامٍ لِلْعَبِيدِ) [Surat Fussilat 46] Intaas waxaa dheer inuu Rasuulku SCW innooga digay dulmiga iyo habaarka ama inkaarta qofka dulmanaha ah oo dacwadiisa hore laga aqbalo: “اتقوا دعوةَ المظلومِ؛ فإنه ليس بينها وبين اللهِ حجاب” “اتقوا الظلمَ؛ فإنَّ الظلمَ ظلماتٌ يومَ القيامة.

35037068

Sida muuqata Shareecada Islaamku meel adagbay ka istaagtay dulmiga. Dulmigu wuxuu sabab u yahay dhibaatada kataagan aduunyadan gubanaysa; Dulmigu waa sababta lagu halaago ummadaha; Dulmigu waa shay lagu mutaysto cadhada iyo ciqaabta Rabbi SWT sidaass ooy tahay aadamuhu kama waantoobaan dulmiga iyo faliddiisa, gaar ahaan markay  xukun, awood iyo hanti helaan.

‪‎Ogaadeeniya Dhulka Ogaadeeniya ee ay Ethiopia gumaysato waxaa ka dhaca dhacdooyin gabood fal ah oo aan sheeko lagu fahmikarin waxaanse inaan maanta idinla wadaago qisadan gaaban ee murugada leh:

Xaafad aannu qaraabo nahay oo dagan magaalada Muqdisho ayaan booqday maalin dhawayd goor barqo ah waxaa xaafadda joogay haweenay socoto ah oo reer Baabili ah oo iyana qaraabada uun kamida, aniga iyo dhawr dumar ah ayaa waxaanu fadhiisanay qol uu TV kadaaranyahay markii lagaadhay xilligii qadada oo aanan wali kicin ayaa dumarkii loo keenay qadadii.

Haweenaydii socotada ahayd ayay gabdhihii ku yidhaahdeen “Eeddo soo dhawoow oo nala qadee” Islaantii waxay ku warcelisay “Eedo baryahan maba qadeeyo oo wis-wis iyo yalaalugo umbaana waxba lacunin” mid kamid ah gabdhihii ayaa waydiisay oo tidhi “Eeddo maxaa kugu dhacay ? miyaad xanuunsan”  Islaantii waxay bilowday sheekadan soo socota ee la yidhaado KARAAMARDHA HOSPITAL.

Waxayna ku bilowday sidan annigoo qof bukaan ah kor fadhiya ayaa waxaa iridda soo joogsaday gaadhi uu ciidan saaranyahay, waxaa laga soo dajiyay Gabadh aad udiifaysan oo aadan eegi karin wajigeeda oo sinta kuwadata ilmo yar oo aadan matagga ceshanaynin haddaad arragto.

Sariir nagu xigtay ayaa la fadhiisiiyay gabadhii oo ilmihii wadata waxaana loogu yeedhay dhalinyaro Nurses ah oo ISBITAALKA kashaqaynaysay, markay dhawr jeer ilmihii eeg-eegeen ayay waydiiyeen gabadhii: “ilmuhu siduu ubukaa” intay ilmaysay ayay tidhi magaranayo si uu yahay!, dhawr daqiiqo markay rog-rogayeen ayaa waxay dheheen ilmaha naftii way kadhacday ee hala aaso.

Nimankii Ciidanka ahaa ayaa gabdhii oo dhabta ku haysa ilmihii oo mayd ah kusoo haliilay oo kuyidhi “kac, kac naayaa fuul gaadhiga dhaqso, iskadhigoo!” gabadhii waxay tidhi “war walaalayaaloow xaafad ehelkayga ah oo magaalada dagan intaad iqaadaan igeeya maydka ilmaha ha ii aaseene, anigana markaa xabsiga igu celiya!” markii hadalkii laysku celceliyay ee gabadhiina maydkii ku naxday, ayay nimankii ciidanka ahaa xoog adeegsadeen oo ay gabadhii gaadhigii xoog kusaareen, ilmihiina sariirtii ayaa lagaga tagay.

Waxaa kolkii dambe qaaday dhalinyaradii shaqaalaha ka ahaa ISBITAALKA waxayna geeyeen qolka maydka.

Markaan dhakhtarkii kasoo baxay ayaan gabdho aanu ehel nahay oo meesha kashaqeeya waydiiyay naa goormaa siqiirkan yar la aaasidoonaa ? maxaay maydkiisa ka qudhmisanayaan?, meeshu waa sidee miyaan dad Muslim ah la ahayn? “. Gabdhihii waxay igu yidhaahdeen “Eeddo waa iska caadi, dadka maxaabiista ah markay ilaa toban mayd gaadhaan ayaa halmar Cagaf-Cagaf lagu soo aasaa” . Cagaf-Cagaf aa? Toban mayd aa?.

Eeddo maalintaas wis-wiskaan qaaday markaan cunto arkaba dhiigbaa ii ura, kadibna waan hunqaacaa ,intaas ayay qisadii ku dhammaatay

W/Q Ismacil C. Ismacil

12065612_10208426264153151_7362239599751595683_n

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS