WARBIXIN:- Tiro koobka dadweynaha Waqooyiga Soomaaliya ku dhaqan & ganacsigooda in Ethiopia loo gudbiyo

Mudadii ay dowladdi dhexe ee Somaliyeed burbursaneyd dadka iyo dalka Somaliyeedba ganta cadowgooda ayay si buuxda u galeen taasna waxaa sahley Jabhadihii qaran dumiska ahaa  iyo maamuladey dib ka abuureen oo ku fogaaday wax kasta oo umaad dhabar jab ku ah.

Layaab maaha in cadowga umadda Somaliyeed ee Ethiopia uu dhulka Somaliya siduu doon ka yeelo wuxuu akhbaar uga baahdsan si fududu u helo ficilada noocaas ahna waa kuwo soo noqnoqda oo ay fuliyaan niman madax sheegta maankana xabashi ka ah magacana Somali ka ah oo danaha Ethiopia ugu heelan sida shay uu alle ku faralyeeley oo kale.

Nimanka Siyaasiyiinta ah ee Somali cadowgeeda u mijin qabtay una qarqarsiyay waxay Ethiopia u gudbiyaan xog kasta iyo qofkasta oo ay doontaba haba ugu darnadeen shacabka Somalida Ogaadeenya ee gumeysiga dhibkiisa ka soo carara isla markaasna walaalahooda Somaliyeed miciin soo mooda si ay u nabad galaan balse badankood way ku hongoobaan waxayna markale la kulmaan dhibkii ay ka soo carareen mid la mid ah ama ka siii xag jira.

Falalkaas guracan ee jiritaanka Somalinimada ka dhanka ah laguna saacidayo cadowga oo joogto noqday waxaa ku kaca niman damiir iyo dareenba ka arraadan oo umaddoda god madow ku ridaya, hadaba dhacdooyinka layaabka leh isla markaasna umada Somaliyeed ihaanada ku ah waxaa ka mid ah talaabo naxdi leh oo uu ku kacay ninka ku magacaaban wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hargeysa Cali Maxamed waran-Cadde.

Waran-Cadde  wuxuu xukumadda gumeysiga Ethiopia u gudbiyay tiro koobka dadweynaha ku dhaqan gobolada Waqooyi ee Somaliya gaar ahaan gobolada uu maamulka Somaliland gacanta ku hayo, tirakoobkan oo laqaaday Sanadkii 2014 waxaa gumaysiga si rasmi ah loogu gudbiyay bishii dhamaatay ee 10/2015.

Tiro koobkani kuma koobna tiradda dadweynaha ku dhaqan Waqooyiga Somaliya balse waxaa weheliysa  xog si gaar ah ula xidhiidha ganacsiga magaalooyinka Borma, Hargeysa,  Berbera, Burco iyo Ceerigaabo. xogtan oonu ka ka soo xiganey masuul sare oo Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Hargeysa ka tirsan ayaa  sheegeysa in tiro koobka ku saabsan dhanka ganacsatada iyo hantidooda ee gumaysiga loo gudbiyay ay soo ururiyeen maamulada dowladda hoose ee magaaloyinka aanu soo sheegney.

Dhawaan ayay ahayd markii shirkad la yidhaado METEC oo Ethiopian ah ay dowladda hoose Hargeysa siisay qandaraas la xidhiidha soo iibinta gadiidka dhisamaha wadooyinka loo isticmaalo oo China laga keenayo, qandaraaskaas waxaa fulin karayay oo laga eexdey shirkado ay ganacsato Somaliyeed leeyihiin waxaase laga door biday in uu cadowgu ka faa’iidaysto arrintaasina waa mid khatar wayn ku ah dadka Somaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolada ay shirkadaasi ka hawlgalayso.

Isku soo wadad duuudubo waxaa muuqata in gumeysiga Ethiopia uu manta awood buuxda ku leeyahay gudaha Jamuuriyadda Somaliya dalka iyo dadka Somaliyeed guud ahaana manta waxay u baahanyihiin dhalinyaro caqligoodu ka fagowyahay qabyaalada oo noqwotay fursada koowaad ee uu cadowgu ka faa’iidaystay, waxaa lagama maarmaan ah in ay dhalinyarada Somaliyeed hurdada ka toosaan kuna baraarugaan dabinka ay umada u qooleen kuwa madaxnimadu hor booday ee hanka yar.

Qorahay Media.