Dowladda Itoobiya ayaa dhaqankeeda ku fidinaysa dhulka uu ka taliyo Maamulka Axmed Siilaanyo ee Waqooyiga Soomaaliya.
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah saxafi ku sugan Hargaysa ayaa sheegaya in Hargaysa ay ka furanyihiin jaamacado afar ah Burcana ay ka furanyihiin jaamacado laba ah oo Itoobiya leedahay
Jaamacadaha ka furan Hargaysa ayaa lagu kala magacaabaa 1-Armas 2-Alfha 3-Adis ababa medical 4-New Gnerataion.
Jaamacadaha ayaa lagu bartaa wadaniyada Itoobiya, waxaana ay soo saaraan arday ay ku weyntahay wadaniyada Itoobiya.
Hadafka Itoobiya ayaa ah in la waayo dad, dal Iyo Af Soomaaliyeed Waxayna umaraysaa si kasta oo ay ku hirgalin karto ujeedkeeda.
Duulaanka Maskaxda ayaa ka daran kan dagaalka waxayna Itoobiya iminka labadaba ka wadaa Dalka Soomaaliya.
Maamulka Axmed Siinlaayo ayaanan waxba kala socon waxa lagu barto jaamacadaahi.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS