DHAGEYSO:- GOODAX BARRE”Dhagxaan Waddooyinka lagu Gooyo Amniga Muqdisho laguma sugi karo waa in Nabad sugidda aan la qabiilayn”

Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee maalmo ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa xiisad dhanka siyaasadda ah ka dhax abuuray madaxda dowlada Federaalka.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha islamarkaana kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in weerarkii xarakada Al Shabaab ay ka fulisay Hoteel Saxafi uu banaanka soo dhigay awoodda xarakada ee magaalada Muqdisho.

 Wuxuu dhaliil u jeediyay sirdoonka DF-ka oo uu sheegay in muhiimadda 1-aad uu siiyo caburinta siyaasiyiinta kasoo horjeeda xisbiga talada haya ee Damul Jadiid isagoo quus ka muujiyay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu tilmaamay in habka afar beelood iyo bar ee ay dowladda feeraalku ku dhisan tahay caqabad ku yahay wax ka qabashada amniga.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS