Mid ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Fedraalka ayaa qiray inuu faraha ka baxay ammaanka magaalada Muqdisho, isagoona dhaliil daran u jeediyay Hey’adaha qaabilsan ammaanka.
Wuxuu sheegay Xildhibaankan in weerarkii ugu dambeeyay ee maalintii Axaddii ka dhacay Hotelka Saxafi uu muujinayo in heerka ay gaartay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, arrintaas ay mas’uuliyadeeda qaadanayaan Wasaaradda Amniga iyo hey’adaha kale ee howshaas u xilsaaran.
“Shabaabku waxay weeraraan meesha ay doonaan iyo goorta ay doonaan, ma jirto cid ka hortagi karto weerarrada ay soo qaadaan, waayo ma jiro Sirdoon howshaas u tababaran oo Dowladdu ay leedahay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre.
Sidoo kale Xildhibaankan wuxuu si aad ah u weeraray Hogaamiyaha Dowladda Fedraalka Xasan Sheekh iyo Wasiiradiisa, wuxuuna ku eedeeyay inaysan xil iska saaran sugidda ammaanka Xildhibannada iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda ka tirsan ee dagan Hoteellada Muqdisho.
Weerarkii maalmo ka hor ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladda Fedraalka, waxaana dadka halkaas ku nafwaayay ka mid ah Abaanduulihii hore ee Maleeshiyaadka DF Jeneral Cabdikariin Dhegabadan.