Barakac Baahsan oo Ka Bilaawday Wadanka Burundi

IMG_5C71CC-B17C30-E723A3-74E359-0A398C-FB7ACD

Jiha wareer dhanka siyaasadda iyo amaanka ah ayaa lagasoo sheegayaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadanka Burundi kadib markii dhinac kamid ah dhinacyada isku haya waddankaasi uu amray in hub ka dhigis lagu sameeyo kuwa kasoo horjeeda.

Wararka ka imaanaya magaalada Bujunbura ee caasimadda ah ayaa sheegaya in boqolaal kun oo qoys ay bilaabeen barakac,wariye ku sugan wadanka Burundi ayaa soo sheegay in waddooyinka magaalada lagu arkayo qoysas alaabta jiifka iyo cuntada kala baxayo guryahooda.

Sarkaal u hadlay xukuumadda ayaa Telefeshinka qaranka ka sheegay in uu idlaaday waqtigii loo qabtay hub ka dhigista.

Q.Midoobe waxay sheegtay in dad kabadan 230 qof lagu dilay rabshadihii ka dhacay wadanka Burundi,hoggaamiyaha mucaaradka wadankaasi ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in wadanku uu geli doono dagaal sokeeye haddii waxa loogu yeero beesha caalamka aysan gacmaha qaban madaxweynaha talada Burundi haya.

 Liibaan Jeexoow Cabdi