Dhalashadii Boqortooyada
Xiisadda dagaalka ee maanta Soomaaliya ka taagan waa mid asal ku leh dhul-balaarsiga Xabashida iyo aaminsanaanta xukunka iyo gacan ku haynta dhulalka Soomaalida. Doodan waxa aynu ku eegaynaa milicsiga taariikhdeed iyo damaca Xabashida ee dhul-balaarsiga.
Waddanka Itoobiya loo yaqaan waxa ku nool in ka badan 100 qabiil oo kala duwan, hase ahaatee awoodda iyo maamulka waxa weligood gacanta ku hayey qabiilka Amhaarada ee Boqor Haile Selasse ka dhashay iyo qabiilka Tigrinya ee Meles Zenawi ka dhashay. Sida ay labadaas qabiil aaminsan yihiin, waxa ay sheegtaan in ay asalkoodii ka soo jeedaan dad loo yaqaanay Sabaen (sheban) oo ku abtirsada Boqortooyadii Nabi Saleebaan (Solomon Kingdom) kana yimi Koonfurta Jasiiradda Carabta; geeska-afrikana ay soo degeen sanadkii 1000 BC (dhalashiid Nebi Ciise ka hor).
Sida ay taariikhda ay sheegtaan werinayso, waxa ay si toos ah ugu abtirsadaan Boqor Menelik I oo ahaa wiilkii ay dhaleen Boqorkii iyo Boqoraddii (Queen Sheba iyo King Solomon). Inkasta oo ay ka soo degeen Xeebaha Musawac (Eriteria) muddona ku sugnaayeen, waxa ay Boqortooyadii Xabashidu bilowday dhulbalaadhsi iyo in ay qabiiladii ay dhulka ugu yimaadeen u xoog sheegtaan. Waxa la weriyey in Boqortooyadaas ay xoogaysatay sanadadii 1500 BC (dhalashadii Nebi Ciise ka hor) oo ay la magac baxday Boqortooyadii Axum (Axum Empire).
Ka dib markii cadaadiskii ay dadka ku haysay sii batay, Boqortooyadii Axum awooddeedii way sii liicday mudadii 900 AD (dhalashadii Nebi Ciise ka dib). Mudadaas awoodda Boqortooyadii Xabashidu sii yaraanaysay waxa kor u kacay awooddii dadka Muslimiinta ah ee dhulkaas ku noolaa. Waxana ay abuureen maamul xoog leh oo saldhiggiisu yahay magaalada Harar.
Markii la gaadhey sanadkii 1300 waxa aad isu soo abaabulay Boqortooyadii Xabashida si ay mar kale xukunkii u soo ceshadaan. Boqorkii Xabashida ee waqtigaas Negus Yeshaaq ayaa waxa uu la xidhiidhay l424kii labadii boqortooyo (Spain iyo Portugal) ee waqtigaas Yurub ugu xoogga weynaa si ay awooddii dib muslimka uga soo ceshadaan. Taageeradaas labada boqortooyo u fidiyeen Xabashida, waxa ay u suurto gelisay in laga adkaado Xukuumaddii Islaamka ee waqtigaas jirtey. Xukuumadda Islaamka oo loo yaqaanay Saldanadii Islaamka ee Adal, waxa ay ka koobnayd qabiilo Muslimiin ah oo kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen Soomaalidu.
Halgankii Islaamka
Ka dib markii ummadda muslimiinta ah muddo madaxa lagaga taagnaa ayaa waxa halgan dagaal bilaabay mudadii u dhexaysay 1504 – 1543 Imam Axmed Ibraahim Al-Qasaali (Axmed Gurey). Dagaalkaas (Jihaad) uu la galay Boqortooyadii Xabashida (Abasiiniya) waxa uu ku soo celiyey sharaftii muslimiintii dhulkaas deganayd ee Soomalidu ka mid ahayd.
Imaam Axmed Gurey waxa uu soo baxay waqti muslimiinta geeska Afrika dhibaato weyn ka haysatay boqortooyadii Xabashida iyo wadamadii reer Yurub ee ay ka midka ahaayeen Boqortooyadii Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska Isbaanishka (Spaine) iyo Bortaqiiska ee doonayey in Afrika ay xoog ku xukumaan. Dagaalka Ahmed Gurey Xabashida la galay waxa uu ku mideeyey muslimiintii deganayd laga bilaabo Harar ilaa Suudaan. Inkasta oo ay qabiilo badani sheegtaan, hadana Soomaalidu waxa ay aaminsan yihiin in Imaam Axmed Gurey ahaa nin Soomaali ah. Dadyawgii sheeganayey in uu iyaga ka dhashay waxaa ka mid ahaa, Danaakilada, Oromada, Canfarta, Herariyiinta iyo Carabtii dhulkaas deganayd. Imaam Axmed Gurey waxaa la sheegay in uu ku dhashay dhulka u dhexaysa Saylac iyo Harar. Waxaana askari Boortaqiis ahi ku dilay Suudaan sanadkii 1543kii.
Dagaalka Boqortooyada Xabashidu qabiilada dhulkaas deggan kula jirtay, waxa uu markastaba ahaa mid xukun iyo saldana raadis salka ku haya, si hadaba damacaasi ugu suurto galo waxa ay Boqortooyadu mar walba isticmaali jirtey diinta Kiristaanka oo ay calool jileec iyo taageero kagaga raadinaysay waddamada reer galbeedka ee Kiristaanka ah. Boqor kasta oo Xabashida maamulana waxa hal hays u ahaa “Itoobiya waa Jasiirad Kiristaan ah oo ku dhex-taalla Bedweyn Islaam ah.” Taas oo ay ula jeedeen in Kiristaanka dhulka deggan laga badan yahay oo ay ku dhex nool yihiin badweyn Islaam ah. Doodaasi waxa ay noqotay tii ugu faa’iidada badnayd Xabashida ee u suurto gelisay in ay reer galbeedka (Kiristaanka ah) ka helaan taageero aan weligeed dhammaan.
Markii la soo gaadhey sannadkii 1800 waxa Boqortooyada Xabashida maamulayey Menelik II (Menelik-kii 2aad), waxa uu hub iyo dhaqaale fara badan ka helay wadamadii reer galbeedka, wuxuuna sameeyey dhul-balaarsigii ugu weynaa ee dhulalka Muslimiintu deggan tahay, gaar ahaan Soomaalida ku qabsado.
Mudadii 1880s waxa ay ahayd markii Xabashidu hubkii ugu badnaa ay hesho oo ay dhul balaadhsigii ugu weynaa ku dhaqaaqdo. Dhaqaalaha dhulka Soomaalidu degto ayaa aad u xumaaday (laga Shabeelaha Sare ilaa laga gaadhayo xeebaha Banaadir), taas oo ay sabab u ahayd hubka badan ee Xabashidu heshay iyo duulaamadii ay ku qaadday dhulalkii Soomaalida; ka dibna xoolihii iyo waxa ay hanti haysteen ka dhacdo, ceelashii ay ka cabi jireenna ka qabsato. Dhacaas ka sokoow, duulanadaas Xabashidu waxa ay dhaawac weyn u geysteen dhaqdhaqaaqii dadka iyo baayacmushtarkii dadka Soomaalida ah ka dhexeeyey. Waxa kale oo weeraradaas Xabashidu abuureen nabad gelyo darro iyo dadkii oo safaradii ka baqay.
Mudadaas awoodda Xabashidu soo weynaanaysay waxa magaalada Harar oo magaala Madaxda Muslimiinta ahayd degganaa ciidamo Masaari ah oo muslimiinta taageerayey, hase ahaatee waddamadii reer galbeedka ahaa ee awoodda lahaa ayaa waxa ay Masar ku qasbeen in ay ciidamadeeda magaalada kala baxdo si kuwa Boqor Menelik u soo galaan. Markii ciidamadii Masar isu diyaarinayeen (aakhirkii 1884) in ay Harar ka baxaan, ilaa 30 kun oo ciidamadii Menelik ka tirsan aadna u hubaysan ayaa meel aan Harar ka fogayn fadhiyey oo sugayey inta ciidamada Masar magaalada ka baxayaan.
Boqor Menelik hubka culus ee uu haystay waxaa ugu deeqay wadamadii ay ka midka ahaayeen: Ingiriiska, Ruushka, Boortaqiiska, Faransiiska iyo Isbaanishka. Ujeedada ugu weyn ee wadamadaasi u taageerayeen waxa ugu weynaa xagga diinta. Waayo waxa ay rabeen in Islaamka awoodda laga wareejiyo. Isla mudadaas ayaa wefdi Ingiriis ah oo uu hoggaaminayey Admiral Hewitt, loo diray Abasiiniya, si ay uga wada hadlaan sidii ciidamadii Masaarida ee Harar deganaaa ay si nabad gelyo ah halkaas uga bixi lahaayeen, wuxuuna la kulmay Boqorkii Xabashida.
Sannadkii 1885 sidii la filaayey ciidamadii Masar ayaa Harar ka baxay. Markii ciidamadii Masar ay Harar ka baxeen, ciidamadii Xabashida ayaa magaaladii soo galay, waxa ayna halkaas ku laayeen dad aad u fara badan oo culumada diinta u badnaa. Markii ay magaaladii Harar qabsadeen, masaajidkii ugu weynaa ee magaalada ku yaaley waxa ay u bedeleen kaniisad.
Markii ciidamada Xabashidu qabsadeen Harar waxa ay dileen Cabdalla Maxamed, oo ahaa Amiirkii Harar ee xukumayey Muslimiinta. Boqor Menelik markii uu qabsaday Harar wuxuu xukunkii u dhiibay ina-adeerkii Ras Makonnen. Menelik, isla markiiba wuxuu warqad u diray xafiiskii Ingiriiska ee Cadan, wuxuuna u sheegay “in Cabdalla Maxamed, uu ahaa nin dhaxlay maamulkii Imaam Axmed Gurey, ee Harar qabsaday qarnigii lix iyo tobnaad, sidaas darteedna in jabkiisu (Cabdalla) uu yahay badbaaadinta iyo soo celinta sharafta Masiixiyadda (Kiristaanimada).
Qaybsigii Afrika iyo Sedkii Xabashida
Intii ka horeeysay qarnigii 18aad, ee aan reer Yurub bilaabin in ay danayso dhulyowga Afrika iyo caalamka adduunyada 3aad, Soomaalidu waxa ay dhaqan iyo dhaqaaleba aad ugu xidhnayd caalamka Islaamka, gaar ahaan waxaa aad ugu xidhnaa dalalkaas meelaha xeebaha ah ee sida Bulla Xaar, Berbera, xeebaha Banaadir iyo Bendar Qaasim (Boosaaso). Xiligaas dawlad Soomaaliya la yidhaahdaa ma jirin, laakiin waxaa jirey xidhiidh iyo xeer qabiil intii isku deegaan ahba ka dhexeeyey, wixii dhibaato timaadana waxaa lagu xallin jirey xeer Soomaali. Hase ahaatee, dhibaatadii ugu weynayd waxa ay timi wakhtigii Afrika reer Yurub kala qaybsadeen. Shirkii ugu horeeyey ee reer Yurub Afrika ku qaybsanayeen wuxuu ka dhacay magaalada Baarliin (Berlin) ee dalka Jarmalka (Germany) 1884.
Markii Afrika la kala qaatay dhulkii Soomaalidu deganeyd waxaa kala qaybsaday saddex waddan oo reer Yurub ah, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska. Ingiriisku wuxuu qayb u helay dhulka Somaliland, Talyaaniguna Soomaaliya (Italian Somaliland), iyo Faransiiska oo qayb u helay Jabuuti. Waxaa kale oo Ingiriiska gacantiisa ku jiray dhulalka Hawd iyo ‘Reserve Area’ ee maanta loo yaqaan Ogaadeeniya oo uu markii dambe Xabashida ku wareejiyey; waxaa kale oo xukunkiisa ku hoos jiray dhulka N.F.D. (Northeastern Frontier District) oo hadda loo yaqaan Waqooyiga Bari ee Kenya. Maadaama waqtigaas Ingiriisku xukumay Kenya wuxuu ku ladhay Kenya. Halkaas waxa ka muuqata oo taariikhdu ina tusinaysaa in Xabashidu ahad dawladda keliya ee Afrikaanka ah ee dhul Afrikaan gumeystayaashii Yurub la qaybsata.
Khilaafkii ka Dhashay Dhulkii Soomaalida ee la kala Qaybsaday
Markii dhulka Soomaalida la kala qaybsaday ka dib, ayaa haddana waxa sii batay muran iyo khilaafkii u dhexeeyey waddamadaas oo la isku maan dhaafsanaa sugnaanta xuduudka dhulka la kala qaybsaday. Haddaba si khilaafkaas loo soo afjaro ayaa sanadkii 1891 Ingiriiska iyo Talyaaniga heshiis (Anglo-Italian) kala saxeexdeen, kaas oo ay ku qeexeen xuduudkii u dhexeeyey dhulkii Soomaalida (Afrikada Bari) iyo dhulkii Somaalida ee Talyaaniga ku hoos jirtey.
Isla sanadkaasna xabashida oo dhul balaadhsiga dhinaceeda uga jirtey ayaa Biyo Qaboobe xarun ciidan ka samaysatay. Arrintaasina waxa ay aad uga xanaajisay xukuumadii Ingiriiska, maadaama Biyo Qaboobe xuduudka dhinaca Ingiriisku sheegto kaga taaley. Talyaaniga iyo Abasiiniyana heshiis is-nabad gelin ah ayaa ka dhexeeyey, Talyaanigu wuxuu Ingiriiska u sheegay inaanu wax wada hadal ah la yeelan karin ilaa uu isaga (Talyaaniga) sii maro. Arrintu si kastaba ha ahaatee, Ingiriisku wuu ku balan furay dadkii Soomaalida ahaa ee dhulkaas deganaa ee uu u balan qaaday inuu quwadaha shisheeye ka damaana qaadi doono. Inkasta oo madaxda Ingiriisku mar isla soo qaadeen in dadka Soomaalida la hubeeyo si ay cadowgooda isaga difaacaan, haddana waxa ay go’aan (Ingiriisku) ku gaadheen in ay Soomaalida xaalkay ku sugan tahay u dhaafaan.
Damaaciga Xabashida iyo in ay dhul-balaarsato kuma ekayn dhulka Ingiriisku gacanta ku hayey ee waxa kale oo ay duulimaad isdaba joog ah mar walba ku qaadi jireen dhulkii Soomaalida ee Talyaanigu xoogga ku haystay. Bilowgii sanadkii 1893 Xabashidu waxa ay ku duushay magaalada Luuq, taasina waxa ay odayaashii magaalada ku kaliftay in ay qaylo dhaan u dirsadaan Talyaanigii Xeebaha banaadir deganaa, hase ahaatee ciidamadii Talyaanigu waxa ay Luuq soo gaadheen laba (2) sano ka dib (1895). Inkasta oo Talyaanigu Xabashida Luuq xoog uga saaray, duulaankii Xabashidu halkaas kuma ekaan ee sannad ka dib (1896) ayey mar kale Luuq dib ugu soo duuleen, halkaas oo mar kale lagu jibiyey. Dagaalada isdaba joogga ah ee Xabashida iyo taageera la’aanta Talyaanigu waxa ay odayaashii magaalada Luuq markii dambe ku kaliftay in ay caawimaad weydiistaan Suldaankii Zansibaar. Suldaankiina wuxuu siiyey Buntukh (Muzzle-Loader) aad u weyn kaas oo in muddo ah hakiyey weeraradii Xabashida.
Isla sannadkaas (1896) shirkaddii Filonardi ee maamulka Talyaaniga Soomaalida u haysay, ayaa dhaqaalaheedii aad u xumaaday, taasina waxa ay ku kaliftay in ay hawlaheedii ay Soomaaliya ka waday soo gebogebayso. Dhammaadkii 1896 shirkadaasi waxa ay lahayd lix xarumood oo kale marka Cadale laga reebo, Waxaana ka mid ahaa; Giumbo, Warshiikh, Baraawe, Marka, Muqdisho iyo Luuq. Isla markii shirkadii Filonardi kacdayna waxaa ku xigay dagaalkii Talyaanigu Xabashida la galay, ka dib markii Talyaaniga la jebsheyna wuxuu go’aansaday inuu Eritrea difaacdo Xeebaha Banaadirna u soo diro Maraakiib dagaal si uu dhulka Soomaaliya u difaacdo haddii Xabashidu isku daydo in ay qabsato.
Isla mudadaas waxaa sii batay doodii Xabashida iyo Ingiriiska u dhexaysay ee ku saabsanayd dhulkii “British Somaliland” ee ay isku haysteen, aakhirkiina waxa ay labada dhinac go’aan ku gaadheen in ay arrinta u dhaafaan Mr. Rennell Rodd oo ahaa Xoghayaha 1aad ee Xafiiskii Ingiriiska ee Qaahira iyo Ras Mokannen oo Menelik Ina-Adeerkii ahaa, si ay xal u raadiyaan, waxa ayna ku kulmeen magaalada Harar.
Haddaba iyadoo gorgortanka ay galeen uu ahaa mid aan sahlanayn aakhirkii waxa ay gaadheen heshiis. Ingiriisku wuxuu aqbalay inuu Xabashida u dhaafo ilaa 67,000 isku wareeg ah oo dhulka Hawd ka tirsan, Xabashiduna waxa ay oggolaatay in Ingiriisku lahaado Hargeysa iyo nawaaxigeeda oo markii hore Boqor Menelik sheeganaayey in ay dhulkiisa ka tirsan tahay.
Waxaa heshiiskaas ka sokoow su’aali ka taagnayd aayaha dhulka Hawd ee soo hadhay ee aan Xabashida lagu wareejin maamulka Ingiriiskana aan toos u hoos imaanayn waqtigaas. Waxaase iska caddayd in Xabashidu dhulkaas mar aan dheerayn qabsan doonto, Ingiriiskuna aanu lahayn awood uu ku ilaaliyo xornimada dadkii Soomaalida ahaa ee uu horey magan gelintooda u balan qaaday, danina aanay Ingiriiska ka hayn in ay Soomaalida hubeeyaan si ay dhulkooda u difaacdaan, taas oo caddaysay munaafaqnimada Xukuumadda Ingiriiska iyo daacad darada ay shacbiga Soomaalida kula dhaqmaysey.
Taariikhdu markii ay ahayd 26 Oktboobar 1896 Talyaaniga iyo Xabashida ayaa heshiis nabadeed kala saxeexday, ka dib markii Talyaaniga dhawr jeer lagu jebiyey dagaalkii Adowa. Heshiiskaas Talyaanigu wuxuu Xabashida ugu aqoonsaday in ay tahay wadan madax banaan oo aanu (Talyaanigu) dib u soo fara gelin doonin. Ka dib markii Talyaaanigu dhulkii Xabashida ka tanaasulayna waxa ay Xabashidii bilawday in ay dhulkii Soomaalida isku sii fidiso (balaadhiso).
Horaantii sannadkii 1897 waxa ay Xabashidu heshiisyo kala duwan la gashay Faransiiska iyo Ingiriisk, heshiisyadaas oo qeexayey xuduudyada dhulalka Soomaalida ee ay kala haysteen
Daraawiishtii iyo Dagaalkii ay la Gashay Gumeystayaasha
Ka dib markii sannadkii 1891 Seyid Maxamed Cabdulle Xasan dhulka Soomaalida ku soo laabtay isaga oo dhulal badan oo Jasiiradda Carabta ka tirsan oo maray. Waxa isbedelay wejigii Xabashida qabiilada Soomaalidu kula dagaalami jireen, waxana Daraawiishtii Seyid Maxamed abaabulay bilaabeen duulaano nidaamsan. Wejigan cusub ee dagaalku waxa uu aad u cabsi geliyey dhammaan gumeystayaashii dhulalka Soomaalida boobay ee ay Xabashidu ka midka ahayd. Waxana gumeystayaashii bilaabeen in heshiisyo iyo xulufaysi cusub bilaabaan si ay Daraawiishta meel uga soo wada jeestaan.
Dagaalkii ugu horeeyey oo Xabashida iyo Ingiriisku isku bahaysteen waxa uu ka dhacay magaalada Jigjiga 5 Maarj. 1900. Waxaana la weriyey in ay Daraashiista u suurtowday in ay xoolo badan oo qabiilka Ogaadeen laga dhacay ku soo dhiciyaan. Dhammaadkii 1902dii shir Ingiriiska iyo Talyaanigu Rooma ku yeesheen waxa ay isku raaceen in duulaan kama dambays ah Daraawiishta lagu qaado si loo tirtiro. Saldhigyada hoggaaminta ciidamadana waxaa loo doortay Hobyo iyo Berbera. Heshiiskana waxaa ku jirey in Talyaanigu qabsado Hobyo oo xukunkiisu gaadho dhulka Mudug, hase ahaatee ciidamada Ingiriisku ka qayb qaadan doonaan dabar goynta Daraawiishta. Waxaa kale oo la sheegay in heshiiskaasu u fududaynaayey Talyaaniga in uu xoog ku muquuniyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid oo Hobyo xukumi jirey.
Hagardaamooyinkii Xabashida iyo Duudsigii Xuquuqda Soomaalida.
Ingiriisku wuxuu sidoo kale heshiis la galay Boqorkii Xabashida (Menelik) in uu duulaanka kala qayb galo, isaga oo u tusiyey in Seyidku labadoodaba nacabkooda yahay, danahoodana carqalad weyn ku hayo. Waxaana jigjiga laga soo diyaariyey 5,000 oo ciidamadii Abasiiniya ah oo ay la socdeen laba khabiir (sarkaal) oo ciidamada Ingiriiska ah. Waxaana ciidamadaas loo diray in ay tagaan “Togfaafan”, halkaas oo la filaayey in ay ahayd jidka keliya ee Seyidku Ogadeen ka geli karo marka la jebiyo. Ugu dambayntiina Saddexdii bishii Diseember 1903 ciidamadii Xabashida ee Menelik u qorsheeyey in ay Daraawiishta la dagaalamaan ayaa ka baxay meesha loo yaqaan Baabiili. Isbahaysigii gumeystayaashu dagaalkii ay kula jireen Daraawiishta waxa uu socday ilaa aakhirkii 1920kii oo ahaa markii Darawiishta la jebiyey.
Gugii (1905) cabsidii Soomaalidu, gaar ahaan Banaadir Xabashida ka qabtey ayaa rumowday, ka dib markii ciidamo Xabashi ah oo lagu qiyaasay ilaa dhawr kun, aadna u hubaysnaa –oo Fardooley ah ay soo gaadheen ilaa duleedka magaalada Balcad oo Xamar wax yar u jirta. Qabiiladii Soomaalida ee dhulkaas deganaa ayaa u midoobay, halkaasna waxaa lagu jebiyey ciidamadii Xabashida. Labo sano ka dib markii Amxaarada la jebiyeyna waxa ay duulaan cusub ku qaadeen Luuq, halkaas oo ay dad ku laayeen xoolo aad u tiro badana ku dhaceen. Luuq waxa ay ka tirsanayd dhul 180 mayl ah oo ka bilaabanayey webiga Juba (waqooyiga Baardheere) ilaa laga gaadhaayo xuduudka Somaliland, hase ahaatee Xabashidu markaas sheeganaysay.
Mudadii u dhexaysay1905-1907, Waxa ay ahayd waqti ay yaraayeen dagaaladii ka dhexeeyey Soomaalida iyo gumeysigii Talyaaniga. Sida Talyaanigu aaminsanaa, xilligaasi wuxuu ahaa, xilligii xidhiidhka Daraawiishta Seyid M.C. Xasan iyo kuwii Banaadir sii kobcay. Waana waqtigii Seyidku warqadda u direy Biimaal, ee uu ku dhiiri gelinayey in ay gaalada jihaad ku qaadaan. Waxaase mudadaas dagaalo ka socdeen dhulka Soomaalida (Shabeele) ee Xabashidu isku fidineysay.
Markii taariikhdu ahayd 16 May 1908 Xabashida iyo Talyaaniga ayaa heshiis ku kala saxeexday “ku heshiinta” xuduudyada dhulka Soomaalida ee ay qaybsadeen.. Heshiiskaas waxa uu Talyaanigu Boqorkii Xabashida Menelik, ku siiyey 3 malyan oo Lire, si uu ugu wareejiyo dhulka ka bilowda Doolow ilaa laga gaadhayo webiga Shabeelle, marka dhinaca waqooyi Doolow looga baxo. Heshiiskaas labada dhinac gaadheen qabiiladii Soomaalida ee dhulkaas lagu heshiiyey deganaa cidina lama tashan, kala qaybsigaasuna wuxuu keenay in dhinaca Talyaaniga Raxanweyn la raaciyo, dhinaca Xabashidana Dagoodi, Ogaadeen iyo qabiilo kale oo badan la raaciyo.
Dadkii kala qaybinta iyo kala qoqobka dadka Soomaalida ka soo horjeestay waxaa ka mid ahaa Suldaankii Ajuuraanka, Suldaan Olol Diinle. Suldaanku waxa uu weeraro isdaba joog ah ku qaadi jirey dhulka Xabashidu iyo Qabiilada Soomaalida ee taageeraa degganaayeeen.
Suldaan Olol Diinle wuxuu dhashay dabayaaqadii qarnigii sideed iyo tobnaad, wuxuuna ku dhashay magalaada Shilaabo oo ka tirsan dhulka Xabashidu gumeysatyo ee hadda loo yaqaano Kililka shanaad. Halkaas oo uu dugsiga quraanka ka dhigtay kuna barbaaray. Suldaanka waxaa la sheegay in uu isaga oo lix jir ah ka soo hor jeestay Xabashidii dhulkaas imaan jirtay ee baadda (Gibirka) ka qaadi jirtay Soomaalida. Wakhtigaas maadaama dadka dhulkaas degganaa u badnaa ay xoolo dhaqato ahaayeen oo aanay lacag haysay Xabashidu waxa ay dadka ka qaadan jirtay Subag, Malab iyo wax kasta oo ay markaas anfac u arkayeen.
Soomaalidu wakhtigaas wax hub ah ma haysan oo aan ka ahayn waran, fallaadh iyo tooray. Sidaas darteed Xabashida oo hubka iyo rasaasta ka heli jirtay waddamada reer galbeedka, waxaa u suurto gashay in ay Soomaalida xoog ku muquuniyaan; dhulkoodana tartiib tartiib ugu fidaan. Wakhtigii Xabashidu dhulka Soomaalida ku fidaysay waxa ay isku dayday in ay odayaasha iyo wax garadka Soomaalida ka dhaadhiciso in ay xukunka Xabashida hoos yimaadaan, aqbalaana in ay yihiin dad Itoobiyaan ah. Suldaan Olol Diinle wuxuu ka mid ahaa odayaashii iyo wax garadkii arrintaas ka soo hor jeestay; ka dibna Xabashidu waxa ay bilowday in ay isku daydo in ay mucaaradkaas xoog ku muquuniso.
Soomaalida oo aad uga werwer qabtay in dhulkooda Xabashidu danaynaysay uu ku wareejiyo ayaa 1944kii odayaashii wax garadka ahaa ay ka codsadeen Ingiriiska in aanu Xabashida ku wareejin. Hase ahaatee, si Xabashidu u soo jiidato odayaashii ku kacsanaa ayey odayaashii qabiilada dhulkii la isku haystay degganaa mushahar kii Ingiriiska ka badan u qortay. Waxaa kale oo la weriyey in ay jireen odayaal labada dhinacba mushahar ka qaata. Waxa ay ahayd markii gabyaagii caanka ahaa ee Faarax Nuur uu lahaa:
“Ingiriis Axmaariyo Talyani, wey akeekamiye Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone ..Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye Waa duni ninkaad aamintaa kuu abeeys yahaye Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye Waa duni akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye”
“Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo Asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine ,Hadaad niman Islaamiyo tihiin aadan ubadkisa oydaan Ilaahay ka go’in hayna oodina” Abwaan Faarax Nuur
Sannadkii 1947 Qabiiladii Soomaalida ee dhulka Itoobiya gumeysato degganaa oo dhan marka laga reebo Ciise, waxa ay ka soo hor jeesteen in dhulkooda Xabashida lagu wareejiyo . Waxa ayna Ingiriiska ka codsadeen in cabashadooda Qaramada Midoobay loo gudbiyo. Hase ahaatee, Ingiriisku dheg uma jalaqsiin cabashadii Soomaalida dhulkaas deggan, wuxuuna go’aansaday inuu dhulkaas Xabashida ku wareejiyo…wuxuuna Ingiriisku ku adkaystay inuu tixgelinayo heshiiskii uu Xabashida la galay 1942 iyo 1944 ee la odhan jirey Anglo-Ethiopian. Markii wareejintaas lagu dhawaaqayna waxaa magaalada Jigjiga ka dhacay mudaaharaad aad u weyn, waxaana ku dhintay 25 qof oo Soomaali ah.
Markii sanadku ahaa 1949 Suldaan Olol Diinle iyo toban nin oo kale oo ahaa kuwii ay siyaasad ahaan iyo halgan ahaanba aad isugu dhowaayeen ayaa Xabashidu xidhay. Nimankaas markii hore waxaa la isugu keenay magaalada Qalaafe, ka dibna waxaa loo gudbiyey Harar halkaas oo looga sii gudbiyey Addis Ababa…Xabsiga “Alanbaqa”—xabsiga aan ka soo noqoshada lahayn. Tobankaas nin waxa ay isugu jireen qabiilo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Ajuuraan, Baantu (reer shabeelle) iyo Ogaadeen. Waxaana ka mid ahaa laba nin oo Suldaanku adeer u ahaa oo la odhan jirey Cabdikariim Diiriye Olol Diinle iyo Cabdullaahi Diiriye Olol Diinle. Waxaa kale oo raggaas ka mid ahaa rag Suldaanka hablihiisa qabey. Waxaana aakhiritaankii (1953) Suldaan Olol Diinle lagu dilay Xabsigii Xabashida.
Taariikhdu markay ahayd 28 Feb. 1954 Ingiriisku isaga oo aan haba yaraatee tix-gelin Soomaalidii dhulka “reserve area” degganayd, ayuu xabashida heshiis cusub la galay. Wuxuuna si toos ah Itoobiya ugu wareejiyey dhulalkii Hawd iyo Reserve Area. Dhammaan maamulkii (shaqaalihii) dhulkaas degganaana ee Ingiriiska waxa lagu amray in ay ka baxaan, marka laga reebo ‘xafiis yar’ oo ku yaallay Jigjiga. Xafiiska oo uu maamule ka ahaa nin la yiraahdo John Drysdale. Sida Ingriisku sheegtay, ujeedada ugu weyn ee Mr. Drysdale xafiiskaas loogu reebay waxa ay ahayd inuu ilaaliyo xuquuqda daaqsinta ee xoolaha Soomaalida ee dhulkaas. Arrintu siday doontoba ha ahaatee, arrintaas Ingiriisku ku tallaabsaday waxa ay lama filaan iyo fajac ku noqotay dadkii Soomaalida ahaa ee dhulkaas degganaa iyo kuwii reer Somaliland; waxaana isla markiiba la sameeyey bannaan baxyo aad u waaweyn oo dadku ku muujinayeen in ay ka xun yihiin ‘munaafaqnimada’ Ingiriiska. Waxaana markiiba Wefdi loo diray London si ay dacwadooda ugu soo bandhigaan.
Inkasta oo magaalooyinkii Ingiriiska ee wefdigu booqday xoogaa beer jileeca (sympathy) looga muujiyey, haddana faa’iido la taaban karo kama soo helin. Ka dib markii dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya—Talyaanigu xukunkii ku wareejiyey, dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed (S.N.L iyo U.S.P) ee Somaliland ka jiray way iska yaraadeen.
Inkasta oo dhaqdhaqaaqyadii xisbiyadii mucaaradka ahaa ay daciifeen, waxaa sii batay kacdoonkii dadka (shacbiga) ka soo hor jeeday xukuumadda Xabashida. Kacdoonkaas cusubi wuxuu xoogaa garawshiyo (sympathy) ku abuuray maamulkii Ingiriiska ee Somaliland ka talinayey. Hase ahaatee, waxaa cadaatay in Ingiriiska arrintii farahiisa ka baxday. Waayo, wax kale iska daaye, xafiiskii Ingiriiska ee Jigjiga ku yiilay ayaa awoodiisii sii yaraatay, xuquuqdii dadkii Soomaaliyeed ee Hawd iyo ‘Reserve Area’ degganaana waxba wuu u qaban waayey. Heshiiskaas Xabashida iyo Ingiriisku wada galeen wuxuu ahaa mid asalkiisu ka soo jeeday, heshiiskii Ingiriiska iyo Xabashidu 1897, iyo kuwii 1942 iyo 1944kii. Xoghayihii Gumeysiga (Colonial Secretary) u qaabilsanaa—isaga oo difaacaya bixinta dhulkaas iyo taageerada Ingiriisku taageeray Xabashida ayaa khudbad uu ka jeediyey 1955kii Guriga Baarlamaanka (The House of Commons) wuxuu sheegay in bixinta dhulkaas ay asal u tahay heshiiskii 1897kii ; sidaas darteedna aanay sahlaneyn in haba yaraatee wax laga bedelo.
Bishii Abriil 1956, ka dib markii kacdoonkii Soomaalidu joogsan waayey, ayaa dawladdii Ingiriisku Wefdi u dirtay Itoobiya si ay ula kulmaan Boqorka laftiisa una soo bandhigaan qorshe dawladda Ingiriisku dhulkii Hawd iyo ‘Reserve Area’ dib uga ‘iibsanayo.’ Hase ahaatee Xabashida sheekadaasi way u cuntami weyday.
Bixinta dhulka Xabashida lagu wareejiyey waxaa siyaasad ahaan aad uga dagaalamay xisbigii NUF (National United Front) ee uu madaxda ka ahaa Michael Mariama oo aad caan ugu ahaa xornimo raadinta dhulalka Soomaalida ee la gumeysan jirey. Michael Mariama wuxuu si gaar ah door weyn uga ciyaaray shirkii guddiga afarta waddan (Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska iyo Ruushka) ee dagaalkii 2aad ku guuleystay lahaa ee arrinta Soomaalida looga hadlayey. NUF waxa ay sidoo kale ku guuleysan weyday qorshe ay ku codsanaysay in xaaladda looga shiro Qaramada Midoobay, laguna dhammeeyo maxkamadda caalamiga ah ee Hague, Holland.
Sannadkii 1958 khilaafkii Talyaaniga iyo Xabashida u dhexeeyey ee dhulka ‘Ogaadeeniya’ ku saabsanaa (xilligii daakhiliyadda Soomaaliya) ayaa Qaramada Midoobay (U.N) waxa ay u saartay guddi 3 ruux ka kooban, si ay arrintaas xal ugu helaan. Hase ahaatee, markii is-maandhaaf ka yimi habkii guddigaasi baadhitaanka u samaynaysay, ayaa U.N. waxa ay boqorkii Norway ka codsatay inuu magcaabo ruux caalamka magac ku leh (caan ah)—si uu guddigii hore loo magcaabay la taliye ugu noqdo. Wuxuuna magcaabay Mr. Trygve Lie, oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay hore u ahaan jirey, waxaana laga codsaday inuu soo jeediyo qodobo (terms) labada dhinac (Talyaaniga iyo xabashida) isku raaci karaan. Sanadkii 1959kii waxyaabihii Mr. Trygve Lie soo jeediyeyna waxa ay Talyaaniga iyo Xabashidu isku raaceen in ay dib uga wada hadlaan.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinkii iyo waxyaabihii labada dhinac soo bandhigeen qolona kumay qancin, xaaladdiina waxa ay ku dambeysay is-af-garanwaa, waayo Xabashidu waxa ay ku adkaysatay in khilaafka lagu dhammeeyo heshiiskii Talyaaniga iyo Xabashida dhex maray 1908 deedii; meesha Talyaanigu ku adkaystay in heshiisyadii kale ee caalamiga ahaa ee arrintan ku saabsan la tix geliyo laguna xalliyo; oo weliba la sii tix geliyo xaaladda iyo arragtida qabiilada kala duwan ee Soomaalida ku sugan dhulkaas. Wakhtigii Ingiriiska iyo hoggaamiyayaashii “British Somaliland” wada hadalka xornimada ku jireen, wufuudii Somaliland way diideen in ay ansixiyaan heshiiskii Ingiriiska iyo Xabashida dhex maray 1897kii, iyaga oo ka baqay in Ingiriisku dhulkaas dhaxal u helo. Arrinta ugu weyn ee qabiiladii dhulka Hawd degganaa khusaysey xagga daaqsinta xoolaha ayey ahayd. Xornimadii Somaliland ka hor, Xabashidu waxa ay sheegtay inaanay qabiilada reer Somaliland daaqi doonin ‘Hawd.’ Arrintu si kastaba ha ahaatee, wax yar ka dib maalmihii xornimada, waxa ay Xabashidu sheegtay in ay daaqsinta qabiiladaas u oggolaan doonto.
Mudadii Ingiriisku qorshaynayey in uu dadka “British Somaliland” xornimadooda siiyo, waxa uu wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska Mr. Bevin soo jeediyey in dhulalkii Soomaalida ee markaas Ingiriiskku gacanta ku hayey “Hawd iyo Reserve Area” iyo NFD lala mideeyo “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland” oo ay noqdaan “Soomaaliweyn.” Haddana Abril 1960kii markii Somaliland xornimada loo oggolaaday, wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriisku khudbaddii uu guriga Baarlamaanka (House of Commons) ka jeediyey wuxuu ku sheegay in arrintan (xornimada) aanay wax is bedel (xagga xuduudka) ah aanay ku abuurayn; isaga oo ula jeeday wadamada Faransiska, Itoobiya iyo Kenya. Arrintaas natiijadeedii iyo rajadii Soomaalidii reer N.F.D-na sidaas ayey ku dambeysay. Bishii Maarj 1961, shirkii koowaad ee Wadamada Afrikaanku Qaahira ku yeesheen, weftigii Soomaalidu wuxuu la kulmay wadamo badan oo aad uga soo horjeeda fikrada Soomaaliweyn iyo in goboladii maqnaa Soomaaliya lagu soo daro. Shirkii labaad oo Afrikaanku laba bilood ka dib ku qabteen Monrovia, Liberia waxaa lagu soo gebo gebeeyey in Jamhuuriyada Somaaliya iyo dawladaha ay xuduudka isku hayaan ay iyagu khilaafkooda dhammaystaan.
Taariikhdu markii ahayd Feb. 1964 dagaal ayaa ka dhex dhacay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya iyo xukuumaddii Itoobiya. Dagaalkaas oo ka dhacay magaalooyinka ay ka mid ahaayeen, Doolow, Feer-Feer iyo Tog-wajaale, wuxuu ahaa mid muddo si goos-goos ah uga socday xuduudka dhulka Xabashidu xoogga ku haysatao. Dagaaladaas intaan ciidamada Soomaalidu tooska uga qayb gelin waxaa wadey niman gobonimo doon ah oo uu hoggaamiye ka ahaa Makhtal Daahir. Makhtal waxaa markaas ka hor Boqortooyadii Xayle Selaase (Haile Selasse) ku xukuntay dil, laakiin Boqorka ayaa mar dambe toban sano oo xadhig ah ugu bedelay. Dagaalkaas waxaa markii dambe soo dhexgalay Ururka Midowga Afrika oo dhexdhexaadiyey labada dal. Waxaana lagu heshiiyey in labada waddan ku kulmaan dalka Suudaan. Ka dibna waxa ay labada waddan isku af-garteen: · Xabad joojin deg deg ah · In la magcaabo guddi ka kooban saraakiil labada dhinac ka socota oo baadha sababaha keenay dagaalka · In dhinac kast xuduudyada labada ciidanba ka durkaan masaafo dhan 20 Mayl.
Bishii Sebtembar 1968, Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ra Iisal wasaaraha Soomaaliya ahaa ayaa wuxuu ka qayb galay shir ay madaxweynayaashii Afrika (O.A.U) kaga qayb galeen magaalada Kinshasa, Zaire. Shirkaasna waxaa la sheegay in Cigaal si gaar ah ula kulmay weftigii ka socday dawladda Itoobiya, halkaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda dhulka Xabashidu gumeysato. Waxaase la weriyey in weftigii Xabashidu aanay wax xiiso ah u ahayn doonaynna in dhulka ay gumeystaan lala soo qaado. Halkaasna waxaa ku dhintay rajadii laga qabey in “Somaliweyn” iyo in la xoreejo dadyowgii Soomaaliyeed ee ku hoos noolaa cadaadiska Xabashida iyo Kenyaanka.
Af-gembigii Xayle Selasse iyo Xukuumaddii Mingistu Xayle Mariam
Sannadkii 1974 Kornayl Mingistu Haile Mariam ayaa waxa uu inqilaabay xukuumaddii Boqor Haile Selassie. Mingistu waxa uu markiiba bilaabay cadaadis iyo cabudhin ka daran kii Haile Selassie wuxuuna cadaadis weyn ku bilaabay. Sannadkii 1975kii waxaa muuqatay in mucaaradkii Mingistu Haile Mariam ka soo horjeeday aad u batay, ciidamadiisiina ay ku adkaatay in ay cabudhiyaan dhammaan qawmiyadihii ka soo horjeeday. Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre ee waqtigaas oo u arkaayey in Mingistu laftiisu olole siyaasadeed ku wado xukunka (Maxxamed Siyaad Barre); waxa uu oggolaaday in Xamar laga furo xafiiskii W.S.L.F. (Western Somalia Liberation Front), oo ay markaas xubno ka ahaayeen Oromo Muslim ah, Aruusi iyo Ogaadeen; waxaana Xamar yimid S/Guuto Wako Guto, oo garab iyo gaashaanba dawladda Soomaaliya ka doonayey. Waxa sidoo kale Mingistu oggolaaday in dadkii xukuumadda Maxamed Siyaad Barre ka soo horjeeday xafiisyo ka furtaan Addis Ababa. Waxayna labada dhinac bilaabeen dacaayad joogto ah oo saxaafadda la isu adeegsanayo.
W.S.L.F waxa ay bilaabeen in ay duulaano ku qaadaan magaalooyinkii Soomaalida ee Xabashidu gumeysato. W.S.L.F waxa ay badhtamihii 1977 sheegatay in ay xoraysay dhowr magaalo oo ay Godey ka mid ahayd. Mingistu Haile Mariam waxa uu xukumaddii Maxamed Siyaad Barre ku eedeeyey in ay dagaalkaas ka dambayso, wuxuuna Minguste adduun weynaha ka codsaday kaalmo lagaga hortago dagaalkaas xad gudubka ah. Inkasta oo uu muddo maamulkii Maxamed Siyaad Barre dafirayey in ciidamadiisu dagaalka ku jiraan; Juulaay 1977 ayaa dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya si rasmi ah u bilowday, wuxuuna dhammaaday 1978, ka dib markii Ruushka, Kuuba iyo dhawr waddan oo reer galbeed ahi dagaalkii kala qayb galeen Xabashida.
Markii Soomaaliya lagu jibiyey dagaalkii 1977, Xabashidu waxa ay ku sii dhiiratay in ay dagaalo isdaba joog ah gudaha Soomaaliya ku qaaddo, iyada oo aad u adeegsan jirtay diyaaradaha dagaalka. Diyaaradahaas oo badanaaba duqayn jirey meelaha shacabku ku badan yahay, waxa ay khasaarihii ugu weynaa geysteen bishii Juulaay 1984, ka dib markii ay duqeeyeen magaalada Boorama, hubkii ugu cuslaa oo Iskuul ku dhacay, waxa uu dilay 37 caruur (arday) ah. Dayiraadaha Xabashidu wax ay isla mudadaas duqeeyeen magaalooyin kale oo ay ka mid ahaayeen Hargeysa, Galdogob iyo Caabud-Waaq.
Markii jabhaddii SSDF (Somali Salvation Democratic Front) la aasaasay ka dib, waxa bilowday weeraro Xabashida iyo Jabhad wada socdaa ay ku soo qaadi jireen gobolada Mudug iyo Galgaduud. Hase ahaatee, Xabashidu mar walba way dafiri jirtey in ay weeraradaas ku lug leedahay waxaana sheegan jirey hoggaanka jabhadda oo uu hoggaamiye u ahaa Kornayl Cabdullahi Yusuf Axmed oo hadda ah madaxweynaha Dawladda ku Meelgaadhka ee Soomaaliya. Xabashidu waxa ay kaloo u oggolaatay waddankeeda jabhaddii SNM (Somali National Movement) ee lagu dhawaaqay sannadkii 1981kii.
Mudadii ciidamada Xabashida iyo jabhadihii Soomaalida ee ay taageerayeen Soomaaliya duulaanka ku hayeen, waxaa Mingistu laftiisa ku socday dagaal xoog leh oo ay ku wadeen jabahadihii ka soo horjeeday, gaar ahaan kuwii Eriteriya (ELF) oo ahayd jabhad aad u xoog badan oo taageero weyn ka heli jiray maamulkii Maxamed Siyaad Barre.
Jabkii Mingistu Xayle Mariam iyo Qabsashadii Xukunka ee Jabhadda Tigrayga
Dagaaladaas mudada dheer socday ee jabhaduhu ku wadeen Mingistu Haile Mariam iyo Maxamed Siyaad Barre waxa ay markii dambe sababeen in labadoodiiba la rido oo awooddii xukunka laga qaado sanadkii 1991. Markii ciidamadii Mingistu Haile Mariam ay in la jebiyo ku dhowaayeen oo ay jabhadihii ka soo horjeeday qarka u saaraayeen magaala madaxda Addis Ababa waxa isaga iyo jabhadihii dhex galay maamulkii Maraykanka ee waqtigaas, Mingistu-na waxa uu markii dambe aqbalay in uu waddanka ka baxo si uu dadkiisa uga badbaadiyo dagaal sokeeyo oo lagu hoobto. Mingistu waxaa nabad gelyo siyaasadeed siiyey dawladda Zimbabwi xukunkiina waxa la wareegay Meles Zenawi oo Ra’iisal Wasaare noqday. Nasiib darro, Maxamed Siyaad Barre ma uusan aqbalin talooyinkii loo soo jeediyey ee ahaa in in xukunka iska wareejiyo dagaalkii jabhaduhu kula jireenna waxa uu sababay in magaalada Xamar xoog lagaga saaro bilowgii 1991kii.
Markii Mingistu waddanka ka baxay, Eriteriya inteeda badan waxa ay gacanta ugu jirtay jabhaddii ELF. Waxa kale oo iyaguna dhulkoodii qabsaday jabhadihii Oromada (Oromadu waa dadka Itoobiya ugu badan) kuwii Cafarta iyo kuwii Soomaalida. Hase ahaatee maadaama ciidamadii Tigray-du ay Addis Ababa iyo magaalooyin waaweyn oo muhiim ah qabsadeen, waxa ay sidoo kale la wareegii awooddii dawladda intii badnayd. Inkasta oo jabhadii Tigray-du ay awoodii xukunka intiisii badnayd la wareegeen, haddana waxa khasab ku ahayd in ay la heshiiyaan qabiilada intooda kale, si aanay dagaal kale u gelin. Ka dibna waxa ay jabhadihii iyo dhaqan madaxeedkii gobolada (Soomalidu ka mid ahayd) isugu yimaadeen halkaas oo ay ku dhiseen dawlad loo dhan yahay gobol kastana siinaysa ismaamul xor ah (Autonomous administration) waxa ayna ra’iisal wasaare u doorteen Meles Zenawi.
Markii Meles Zenawi oo qaxooti ku ahaan jirey Soomaaliya uu xukunkii Itoobiya qabsaday, dad badan oo Soomaali ahi waxa ay iska dhaadhiciyeen in colaaddii Soomaalida iyo Xabashida u dhexaysay halkaas ku soo af-jarantay. Nasiib darro, dadkii fikraddaas qabay waa dad aan si fiican u dhuuxin taariikhda cadaawadda ah ee mudada dheer ka dhexaysay Xabashida iyo shucuubta Soomaalida ah ee weligood dhibaatadu kaga imanaysay dhinaca Xabashida iyo dawladihii xulufada la ahaa.
Burburkii maamulkii Maxamed Siyaad Barre iyo dagaaladii sokeeye ee ka dambeeyey, waxa ay Xabashida u noqotay fursad qaali ah oo suurto gelin garta in aan dawlad dambe oo Soomaaliya la yidhaahdo dib loo maqal. In kasta oo laga yaabo in Meles Zenawi abaal u hayo wanaaggii Soomaalidu u gashay xilligii xaaladu ku adkayd, haddana waxa ka xoog batay aaminsanaanta lagu tacliimiyey in Itoobiya “Libaaxa Afrika” tahay, shacbiga Soomaaliduna ay ka mid yihiin shacbi ka mid dadweynaha reer “Abasiiniya (Itoobiya). Fikraddaas oo ay qabaan qabiilada laga aqlibadda badan yahay (Amxaarada iyo Tigray-da) hase ahaatee weligood xoog ku maamulayey shacbiga badan ee dhulkaas ku nool, waa “aaminsanaan” aad khatar u ah asal-na u ah khilaafka guud ee Xabashida iyo Soomaalida u dhexeeya.
Si haddaba aanay u suurto gelin in ay dhalato dawlad xoog leh oo Soomaaliyeed maamulka Meles Zenawi waxa uu aad ugu dedaalay sidii uu qabqalayaashii dagaalka ee iska soo horjeeday u sii kala qaybin lahaa una abuuri lahaa xaalad dagaal iyo degganaansho la’aan ku raagta dhulka Soomaalida.
Mashruuca la Dagaalanka “Argagixisada” iyo Doorka ay kaga Jirto Xabashidu
Intaas Meles Zenawi kuma ekaane waxa uu bilaabay dagaalo iyo duulaano is-daba joog ah oo uu ku kiciyo dhulkii Soomaalida ee horeba dhibaatadu uga taagnayd. Duulanadaas oo bilowday sannadkii 1996. Bishii Agoos 1999 ciidamado Xabashi ahaa oo magalada Buulo Xaawo xoog ku qabsaday ayaa waxa ay toogteen laba qof oo shacbi ah. Ciidamada Xabashida oo magaalooyin badan oo gobolka Gedo ka tirsan dhawr jeer oo kala duwan ku duulay, waxaa la sheegay in ay dad badan laayeen, maal fara badana ka dheceen. Waxaa kale oo la sheegay in ciidamada Xabashidu dad dhulkaas u dhashay oo wadaado u badnaa qafaashteen oo Itoobiya u afduubeen. Xabashida oo mar walba mar marsiiyo ka dhiganaysay in ay ciidamada Al-Itixaad (wadaado) ay la dagaalamayeen, waxa ay dadkii dhulkaas deganaa sheegeen in Xabashidu taageero buuxda ka haysatay dad gobolka u dhashay oo biidhi qaatayaal ahaa. Waxaa kale oo la weriyey in Xabashidu taageero buuxda ka haysatay dawladda Maraykanka oo iyaduna wadaadada dagaal kula jirtay.
Arrinta la dagaalanka wadaadu waxa ay aad u sii xoogaysatay, ka dib markii niman Carab ah oo is-biimeeynayey ay bishii Sebtembar 11keedii, 2001 ay inta ay diyaarado af-duubeen wax-yeello weyn ugu geysteen Maraykanka. Markii arrintaas nasiib darrada ahi Maraykanka ka dhacday, waxa maamulka madaxweyne George W. Bush go’aansaday in uu dagaal ku qaado “wadaadada xag-jira” meeshay doonaanba ha joogaane.
Si haddaba loola dagaalamo “wadaadada xag-jira” dawladda Mayakanku waxa ay ku bixisay lacag badan waxa ayna maamulka Meles Zenawi u xilsaartay in uu wakiil (Maraykanka) uga noqdo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya la dagaalanka “argagixisada/wadaada xag-jira.” La dagaalanka “wadaadada xag-jira” waxa ay noqotay mashruuc aad u weyn oo cid waliba hungurayso. Maamulka Meles Zenawi ka sokoow, waxaa iyaguna mashruucaas aad uga qayb galay Jamhuuriyadda Jabuuti, maamulka Somaliland, maamul goboleedka Puntland iyo qaar ka mid ah qab-qablayaashii dagaalka ee Muqdishu oo la sheegay in ay iyagu dad nool dhoofin jireen.
Waxa la weriyey in maamulka Meles Zenawi Jan. 2002 ciidamo gaadhaya ilaa 300 uu u diray Garoowe, caasimadda maamul goboleedka puntland. Inkasta oo xukuumadda Xabashiduu muddo dafiraysay ciidamada Soomaaliya joogay, waxa ugu dambayntii bishii Feb. 2003 Meles laftiisu qirtay in uu mararka qaarkood ciidamo u diro si uu ula dagaalamo wax uu ugu yeedhay “Ururka Itixaad oo ku xidhan Al-Qaeda.”
Ka dib markii bishii Juun (2006) ay kashifantay in qaar ka mid ah “Qab-qablayaasha Dagaalka (Warlords)” ee Muqdishu ay lacag ka qaadanayeen dawladda Maraykanka si ay u soo qab-qabtaan qaar ka mid ah wadaada Maraykanku raadinayey, waxaa ku kacay shacabkii iyo wadaadii oo israacsan waxaana dagaal xoog leh lagu qaaday ninankii 16ka sano Soomaaliya xoogga ku haystay. Waxa muddo aad u kooban looga nadiifiyey magaaladii Xamar oo 16 sano kala qoqobnayd, waxayna wadaadii qabsadeen Koonfurta Soomaaliya inteedii badnayd; waxayna fureen dekadihii iyo garoonadii diyaaradaha ee Qab-qablayaashu hore u xidheen.” Waxana magaalooyinkii ay qabsadeen ku soo dabaaleen nabad iyo xasilooni. Waxana ay noqotay 16kii sano ee la soo dhaafay markii ugu horaysay ee dadka qaarkood habeen qudha nabad ku seexdaan.
Nabadda iyo xasilooni cusub ee wadaadadu meelaha qaarkood ku soo dabaaleen cid walba kuma farxin, waxayna gaar ahaan wel-wel weyn ku abuurtay dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee Baydhabo fadhiday, Somaliland, maamul goboleedka Puntland iyo dawladda Maraykanka; waxayna isku raaceen in meel looga soo wada jeesto oo si kasta oo suurto gal loola dagaalamo.
Haddaba su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye, kooxaha kala duwan ee wadaada ka soo horjeedaa isku dan ama isku mawqif ma yihiin? Jawaabta sida aan u arko kulligood isku dan maaha, waxaase dantoodu isku dhowdahay kooxaha Soomaalida ee Xabashida raacsan kuwaas oo aynu dhihi karno dantoodu waxa ay ku egtahay muddo kooban “short term interest)—ha ahaato dan dhaqaale ama dan xukune, danna kama laha aayaha dadkooda iyo waxa ay ku sugnaan doonaan ama sida Xabashidu ula dhaqmi doonto marka ay dhulkooda qabsato. Xabashidu waxa ay weli aamisan tahay fikradda ah “Itoobiya waa Jasiirad Kiristaan ah oo ku dhex-taalla Bedweyn Islaam ah,” Maraykankana waxa ay u arkaan kii keli ahaa ee maanta Jasiiraddaas badbaadin lahaa sidii wadamadii awoodda lahaa ee reer Yurub hore ugu soo badbaadiyeen Jasiiraddaas.
Bishii Agoos 2002 waxaa booqasho Itoobiya ku tegay laba nin oo guriga odayaasha (U.S. Senate) ka tirsan oo weliba ah kuwa ugu caansan. Labada oday oo kala ah Richard Shelby, oo laga soo doortay gobolka Alabama iyo Arlen Spector oo laga soo doortay gobolka Pennsylvania waxa ay la kulmeen Meles Zenawi. Kulankaas ka dib Meles Zenawi waxa uu labadaas oday u sheegay in “Itoobiya tahay Jasiirad cilmaani (secular) ah oo ku dhex-taalla Bedweyn Islaam ah.” Waxa uu bedelay eraygii Kiristaanka oo ku bedelay Secular.
Sababta uu erayga cusub u doortay waxa weeye in Zenawi arko in aqlibiyadda (majority) dadka Itoobiya ay Muslim yihiin oo aanay markan haboonayn in uu siticmaalo hadalkii awoowayaashii isticmaali jireen. Meles Zenawi dagaalkan maanta uu bilaabay, waxaa suurto gal ah in uu weli aaminsan yahay badbaadinta “jasiiradda masiixiga ah,” waxa kale oo suurto gal ah in uu dagaalka Soomaaliya ka dhiganaayo cimri dheerays siyaasadeed maadaama mucaarad badani waddanka gudihiisa kaga kacsan yihiin.
Gebogebo
Waxa aan shaki ku jirin in shucuubaha tirada badan ee diimaha kala duwan kala haysta kuna nool Itoobiya ay ku wada noolaan karaan nabad iyo xasilooni. Waxase ay arrintaasi suurto gal noqon kartaa marka qabiilada aqlibiyadda yari (minorities) xaqiiqsadaan (fahmaan) in aaminsanaanta “Boqortooyada Abasiinaya” oo la soo celiyo ama si kale loo dhaqan geliyo ay tahay khalad; wadamada deriska ahna lagula dhaqmo nabad gelyo iyo deris-wanaag.
Dawladda Maraykanka waxa ay danta guud ugu jirtaa deganaanshaha iyo xasiloonida Geeska Afrika, dagaal sii daba dheeraada oo dhulkaas ka dhacaana waxa uu nacayb iyo nabad-gelyo la’aanba u keeni karaa dawlaadda Maraykanka. Maadaama colaadda Soomaalida iyo Xabashida u dhexaysaa ay tahay mid soo jireen ah, waa talaabo khaldan in dawladda Maraykanku xukuumadda Itoobiya wakiil uga dhigato xaaladda Soomaaliya.
Waa suurto gal in ciidamada Maxaakiimta dagaalka lagu jebiyo, laakiin waxa kale oo aan suurto gal ahayn in dawladda ku meel gaadhka ah ee Baydhabo fadhidaa kursiga –xukunka Soomaaliya xoog loogu fadhiisiyo. Maadaama Cabdullahi Yuusuf iyo xulufaddiisu doorteen in ay dhiig cusub daadiyaan Soomaaliyana nacab ku soo hoggaamiyaan; nabaddii mudada yar shacbigu helayna daaqadda ka tuuraan—rajadii ay madax ku noqon lahaayeen halkaas ayey ku soo af-jarantay. Haddii Maxaakiimta la jebiyona rajadii dawlad Soomaaliyeed oo dib loo dhisaa halkaas ayey ku dhammaatay, waxa keliya oo guushu raacaysaa “warlords-kii) oo halkoodii ka bilaabaya shaqadii keli ahayd ee ay sida fiican u yaqaaneen—tii “isbaarada.” Xabashiduna waxa ay gaadheysaa guusha camalkii ay sida fiican u taqaaney oo ahaa in ay “Soomaalida ku abuurto xasilooni la’aan iyo kala qaybsanaan.”
FIIRO GAAR AH:-Qoraalkan waxaa la qorey bilowgii ama xiligii Xabashido soo gaareen Xeebta Muqdisho.
Faarax Maxamuud
Pingback: Khilaafkii ka Dhashay Dhulkii Soomaalida ee la kala Qaybsaday | Voice Of Somalia