DHAGEYSO:-Xildhibaan Magan”Dowladdu Awood uma lahan inay wa ka qabato Xadgudubyada ka imaanaya shisheeyaha”

pizap.com14470640440761

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Garbahaarey ee Gobalka Gedo ayaa magaalada ku wareejiyay maamul uu Axmed Madoobe kasoo magacaabay Magaalada Kismaayo.

Itoobiya ayaa ugoodisay xubnaha maamulkaasi kasoo horjeeda ee ku sugan Magaalada Garbahaarey ee Gobalka Gedo.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ku sugan Garbahaarey ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Alfurqaan kaga hadlay wixii ka dhacay Garbahaarey.

Wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku goodiyeen inay la dagaalami doonaan cid kasta oo kasoo horjeesata maamulka uu Axmed Madoobe usoo magacaabay Garbahaarey.

Wuxuu tilmaamayaa Dowladda Muqdisho ee isaga uu kamid yahay inaysan awood ulahayn wax kaqabashada xadgudubyada ka imaanaya shisheeyaha.

DHAGEYSO XILDHIBAAN MAXAMUUD CALI MAGAN.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS