DHAGEYSO:-Kenya oo Ka Soo Gudubtay Xaduud Beeneedkii Gumaystaho jeexay

xuduuda-kenya-iyo-soomaaliya-e1427174761268

Dowladda Kenya ayaa deegaanka  Balad-Xaawo  waxaya ka bilowday ol olaha ay ku durkinayso Xuduudaha dhanka Soomaaliya,waxaan Arintan xaqiijiyey Saraakiisha maamulka Balad-Xaawo oo iyagu sheegay in arinta halkaas ka socta ay tahay mid ay Dowladda Kenya ku doonayso in ay iswaafajiso Xuduuda dhanka Badda Soomaaliya ee Murunku uu kala dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha degmada Beled Xaawo, Yuusuf Maxamed Cabdulqadir, “Yuusuf Gaandi” ayaa sheegay in Kenya ay qaadaneyso dhul Soomaaliya ay leedahay, oo ay tahay dhul doon.Yuusuf Gaandi waxa uu sheegay inuu u maleynayo in qorshaha Kenya uu yahay in xadka dhulka ay la sinto kan badda, si labada xuduud ay isku waafaqaan, si ay taas uga saacido muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Hala soo gaaro degmada B/xaawo, ciidamada Kenya ayaa wato cagafyo badan, waxay fujinayaan astaamihii lagu garanayay xuduudda, waxay rabaan in ay isku aadistaan Raaskambooni illaa inta, cid walba waxaan leenahay nasoo gaara, waayo dhulkeenii baa la dhacayaa, baddii ayeey ahayd, hadana waxay keeneen walaalayaal in barigii ay soo galaan” ayuu yiri Nabadoon Idiris Aadan.

Cumar Cabdirashiid ayaa maalmahan ku sugan Nayroobi,sida la sheegayo  wuxuun dhamaystiray   howshii loo soo celshay oo ahayd in Kenya loo gacan galiyo qeybo ka mid ah gayiga Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS