Xili Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay soo saartay Filim Cabsi galinaya Ciidamada Cusub Ee Ugandha ayaa waxaa soo baxaya talooyin amni oo loo jeedinayo ciidamada Badalaya kuwa Ugandha ka joogay Shabeelaha Hoose.
Taliska Sare Ciidamada Ugandha iyo saraakiisha Soomaaliya ku sugan ee udhashay Dalka Ugandha ayaa feejignaan amni ugu baaqay ciidamada Cusub ee jimcihii soo gaaray Muqdish.
General Katumba Wamala oo ah Taliyaha Ciidamada Ugandha ee UPDF ayaa talooyin amni siiyay Ciidamada Cusub si ay kaga badbaadaan Weerarada gaadmada ah ee kaga imaanaya Alshabaab.
Wuxuu sheegay inay is ilaaliyaan sadaxda bil ee nagu soo wajahan oo ay dhici karaan weerar qorshaysan oo ka yimaada xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
“haku deg degina goobaha ay ku suganyihiin Alshabaab maxaa yeelay qatar dhanka nolosha ayaad lakulmi kartaan”ayuu yiri Generaal Edward Katumba Wamala.
Waxa uu sheegay in wali ay muuqato qatarta Alshabaab oo aanan indhaha laga daboolan karin.
“yaanan la tagin goobaha ay ka ak dhaw yihiin Duur joogta Alshabaab”ayuu yiri Wamala.
Ciidamada Ugandha usoo daabushay Soomaaliya ee Yimid Muqdisho ayaa gaaraya 2,777 waxaana ay ka howlgali jireen oo laga soo qaaday koonfurta Suudaan.
Digniinta ka imaanaysa Taliska Cidamada Ugandha ayaa Muujinaysa in wali Alshabaab yihiin awood muuqata oo aanan la dafiri karin cududooda.
XIGASHO:-SABAAX,COM