Ciidama Kenyaan ah oo dhaxdooda Ku Dagaalamay Deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.

“Duunyaa la dhaafsaday dugsigaad galeeyseen,Dameerkuna ma yeelen halkay talo ku daysteen, Dab intay shideen bay dalaq idinku siiyeen,Doox intay qodeen bay ciid idinku daadsheen, Nin idiin damqanayaa idinkama dambeeyee Hadaydaan digtoonaan daad bay idin qaadiye”. Naf dalkaaga doonaysa Sayid Maxamed Cabdille Xassan

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dagaallo ciidamada Kenya ku dhaxmaray deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo Koonfur galbeed dalka soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Gedo ayaa xaqiijinaya in ciidamo kawada tirsan Kenya ay dahxdooda ku dagaalameen Ceel-cadde,dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay wadada ugaleen ciidamo kale oo isku dayay in ay ka baxsadaan saldhig melleteri.

Waar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in cadawga Kenya uu dhaxdiisa iska dilay ciidan,goob joogayaal ayaa sheegay in askar gadoodsan ay ku baxeen waddo aadda dhanka xadbeenaadka ay wadaagaan Kenya iyo soomaaliya.

 Taliyaha ciidamada Kenya ee Ceelcadde ayaa amar ku bixiyay in ciidanka gadoodka sameeyay loo diido socdaalka ay dalkooda dib ugu noqonayaan.

Maalmihii lasoo dhaafay khilaaf xooggan ayaa u dhaxeeyay saraakiisha iyo ciidanka Kenya oo ku aaddan sii joogidda Ceel-cadde.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ku eedeeyay saraakiishooda in ay u diideen fasax,saraakiil katirsan maleeshiyaadka soomaalida ee Gedo ku sugan ayaa sheegay in uu jiroismariwaa u dhaxeeya Kenyaatiga oo ku aaddan in lafaarujiyo Ceel-cadde iyo deegaanada ku dhaw oo ay saldhig ku leeyihiin.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen weeraradii lagu qaaday saldhigyada AMISOM ee Leego iyo Janaale ayay soo badanayeen baqa cararka ay sameynayaan ciidamada shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi