MAQAL & MUUQAALO KALA DUWAN:-Beesha Murusade Oo Dooratay Ugaas Cusub.

35108109

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday deegaanka Diri ee gobalka Galgaduud waxey beesha Murusade oo ka mid ah beelaha Somaliyeed ku dooratay deegaankaasi Ugaas cusub oo ah Ugaaska guud oo beesha ay yeelatay.

Ugaas Cabdullaahi Daahir Axmed ayey beesha u dooratay inuu noqda ugaaska cusub ee beesha Murusade’waxaana goobta munaasabada ka hadlay nabadoonada iyo waxgaradka beesha Murusade’qaar ka mid ah odayaasha beelaha dega gobalada Galgaduud’Mudug iyo Shabeelada dhexe.

Boqolaal wufuud ah ayaa kasoo qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayay Ugaaska beesha Murusade,qeybaha kala duwan ee beesha sida siyaasiyiin,culimaa’udiin,odayaal dhaqameedyo ayaa kasoo qeyb galay munaasabadda caleema saarka.

Qaar katirsan salaadiinta beelaha soomaaliyeed ee dega gobollada Galguduud,Mudug Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo lagu casuusmay caana shubka ugaaska beesha Murusade ayaa soo dhaweeyay ugaaska cusub waxayna beesha ugu duceeyeen inuu  allaah waafajiyo towfiiqda.

 Ugaaska cusub ee beesha Murusade Ugaas C.llaahi Daahir Axmed oo khudbad Jeediyay markii la caleema saaray kadib ayaa sheegay in beesha uu ku hoggaamin doono kheyrka wuxuuna ugu baaqay qabaa’illada dariska la ah in ay wanaagsa kala shaqeeyaan.

Nabadoon Cabdulle Qanyare Afrax oo kamid ah waxgaradka beesha Murusade oo munaasabadda caleema saarka ka hadlay ayaa sheegay in Murusade uu u dhanyahay ugaaska cusub dal iyo dibadna laga taageersanyahay isagoona ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan Ugaas Cabdullaahi Daahir Axmed.

Markii munaasabadda caleema saarka ay soo idlaatay ayay fantasyo dhaqameedyo ka dhaceen deegaanka Darri, fardoolayda beesha Murusade ayaa socod kusoo maray Dirri.

Halkan Ka Dhageyso Ugaaska Cusub Ee Beesha Mursade.

Halkan Ka Dhageyso Nabadoon Cabdulle Qanyare Afrax.

Halkan Ka Dhageyso Nabadoonka Beesha Maxamuud Hiraab.

Halkan Ka Dhageyso Nabadoonka Beesha Saruur.

Hoos Ka Daawo Sawirada Munaasabada Lagu Caleymo Saaray Ugaaska Beesha Mursade.

DSC01075DSC01077DSC01090DSC01091DSC01097DSC01117DSC01136DSC01144DSC01154DSC01155DSC01169DSC01189DSC01195DSC01214DSC01233DSC01241DSC01245DSC01250DSC01262DSC01264DSC01274DSC01285DSC01289DSC01297DSC01317