Maxaad kala socotaa Ciidamada Soomaalida ee ay Ethiopia tabobarto & habka loo carbiyo

pizap.com14475001855991

Gumaysiga Ethiopia oo umaad soomaaliyeed lug in uu ka gooyo mooyee aan naxariis & wanaag midna u haynin ahna cadowga kuuwaad ee umadda Soomaaliyeed leeadahay horaan & hadaba ayaa ka faa’iidaystay mashaqada Soomaali ku habsatay wuxuuna helay fursad uu ku hayawstay in uu tabobaro dhalinyaro Soomaaliyeed oo ciidan laga dhigayo.

Ciidamada uu gumaysigu tabobarayo waxaa laga qoraa maamulaad Somaliland,  Puntland & dawalad Federaalka ah ee Soomaliya waxaana la geeyaa xeryo ciidamada lagu tabobaro oo gudaha Ethiopia ku yaala, Ethiopia sida lawada dareensanyahay nasteex Soomaali uma aha dhalinta ay tabobaraysana danno waaweyn ayay ka leedahay waana arrin xaqiiqo ah balse umadda Soomaaliyeed badankeed maanta kuma bararugsana mana dareensana.

Hadaad moodayso in gumaysiga Ethiopia uu ciidan Soomaaliyeed tabobarayo daacadna ay ka tahay waad khaldantahay waanatan xaqiiqaduye qabso, dhalinyarada Soomaaliyeed ee gumaysigu soo tabobarayo waa laka qaadaa qayb kooban oo ka mid ah waxaa la siiyaa tabobar dhab ah oo dhamays tiran waxaana la baraa wax kasta oo ciidan looga baahanyahay balse waa hab uu gumaysiga abuuranayo kuna adeeganayo, dhalinyaradaas waxaa lagu abuuraa dareen gaar ah oo ka duwan ciidankooda ay la socdeen markay ku soo noqdaan goobihii laga qorayna waxay ka mid noqdaan ciidamada gaarka ah ee Somaliland, Puntland ama Federaalka Somaliya.

Marka uu gumaysigu qaadayo ragga la soo tabobarayo waxaa mararka qaar la raaciyaa macalimiin Soomali ah kuwaas oo khibradoodii ciidankii xooga dalka Soomalaiya siiya ciidanka la tabobaaryo balse odayaashaasi dhibaato ayay la kulmaan sababtuna waxay tahay, waxay yaqaaneen ciidankii xooga dalka Soomaaliya & awoodii uu lahaan jiray waxaa kaloon maankooda ka bixin cadaawadii & dagaaladii ay la galeen gumaysiga Ethiopia sidaas darteed waxaa suurto gal ah in ay ciidanka la tabobaaryo la wadaagaan khibradooda & taariikhda umadnimo taasina haduu gumaysigu ogaado waxay sababtaa in macalinkaas la kaaharjiyo.

Waxaa ciidamada lagu tabobaraa dhul buuroleey ah waxaana buuralaydaas lagu dilaa ninkasta oo gumaysigu uu u maleeyo in uu aqoontii ciidamadii xooga dalka Soomaaliya xambaarsayahay dhalanyarada cusubna uu ku talaali karo & nin kasta oo laga dareemo in uu gumaysiga jidhdiidanyahay, ninka ay dilaan buuraha ayaa lagu hogeeyaa waxayna soo saaraan warbixino been ah oo ay ku sheegayaan in uu hebel lumay oo buuraha lagu dhex waayay.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ethiopia lagu soo tabobaro intooda badan dhulka buuraha ah unbaa la dhex ereryaa mararka qaarna xadgudubyo ayaa loo gyastaa oo waala xidhaa kuwa sida dhabta ah loo tabobaro waa kuwo kooban waana kuwa anu kor ku xusnay ee manhajka sirdoonka gumaysiga loo soo xambaariyo waxayna u fikiraan sida ciidanka gumaysigu u fikiro sidaas ayayna kaga hawl galaan Muqdisho, Hargeysa, Garoowe , Baladweyne Kismayo, Baydhabo & meel kasta oo ciidamada ay Ethiopia tabobartay la geeyo.

Isku soo wada duuboo arrintani waa khatar culus oo Soomaalida ku wajahan waxayna muujinaysaa kala daadsanaanta umada Soomaaliyeed waana calool xumo marka aad aragto in uu ninkii ku dililayay dawo kuu noqdo, Soomaaliyeey waxaa dhab ah Ethiopia in ay meel fog u socoto waxaana lajoogaa xiligii si dhab ah loogu baraarugi lahaa arimaha uu gumaysigu gayiga Soomaaliyeed ka dhex wado.

 XIGASHO-Qorahay.com