Laba xildhibaan oo kaliya ayaa diiday qaraarkii ka dhanka ah dhul boobka Kenya ee baarlamanka Soomaaliya

35126640

Labada Xildhibaan ee ka soo horjeestay mooshinkaas waxaana lagu kala magacaabaa Cabdirashiid Xidig iyo Axmed Aabi. Xildhibaan Axmed Aabi waxa uu yiri “Dastuurka ayaa qeexaya xaduudaha Somalia waana lama taabtaan sidaas darteed waxaan u diiday inaan Xukumadda kula xisaabtano”.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ah Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Dowladda Federalka ayaa waxa ay Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia iyo Xisbiyadda Mucaaradka ku eedeeyeen inuu ka mid yahay Jaajuusiinta u shaqeeya Kenya iyo Ethiopia isagoo horkacayay wafdi socdaal ku maray dalalka Caalamka kuwaas oo ujeedkoodu ahaay iney bulshadda weydiiyaan

“YAA QAADAN KARA JINSIYADDA SOMALINIMADA”.

Cabdirashiid Xidig ayaa socdaalkiisa la xiriiray Jinsiyadda kala soo laabtay weji gabax iyo ceeb taariikhi ah kadib markii dalalka Canada iyo Mareykanka looga oriyay.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS