Sanadkii 2014 ayaa maqaalkan qortay Abwaanada Soomaaliyeed Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) waxayna dadweynaha Soomaaliyeed u sawiraya xaqiiqada dhabta ah ee ay ku suganyihiin sanadahan dambe.
Qoraalka abwaanada waxaa ka sii cajiibsan sawirka ay xulatay oo muujinaya ruux kaligii iska hor jeeda ama hal ruux oo laba isugu muuqda waxaana halkaas laga fahmayaa dhumucda & xikmada culus ee uu qoraalkani xambaarsanyahay, dabcan dad badan ayaa horey u arkay maqaalkaas balse waxaa hubaal ah in hadii aad maalin walba 10 jeer akhrido aadan ka xiiso goynaynin, maqaalak oo laba qaybood ahaa qabtiisii 1aad ayaan maanta inoo soo xulnaye nala dhuuxa.
Marka hore waxaan salaamayaa Umadda Soomaaliyeed waxaanan leeyahay ACWW, Salaam dabadeed waxaa aad ii soo jiitay Cinwaankan sare oo ku dhex jiray sheeko la iiga sheekeeyay waxaana intii ay sheekadaasi dhagahayga ku socotay qalbigayga ku soo dhacay sawir sheekadaas u eg sidaas awgeedna waxaan jeclaystay in aan qormadan ka diyaariyo.
Si ay akhristeyaashu sheekadaas iila dhuuxaan kadibna iigu markhaati furaan bal aan guud mar yar ku sameeyo sheekada aan erayga cinwaanka ka soo dheegay, sheekadu waxay muujinaysay nin doqon lagu tilmaamay balse markaad u fiirsato xikmad dhaxal galah reebay.
Ninku wuxuu isku garan jiray dharkiisa hadii uu ruux ay isu dhar egyihiin arko wuu salali jiray markaasuu isku foofi jiray, haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayuu shaadhkiisii meel saaray saa nin kale ayaa xidhay wuuxna kalasaari waayay ninkan shaadhkiisii xidhay iyo isagii laftiisii oo mid uu isagu yahay ayuu fahmi waayay.
Ninkii caranka lagu tilmaamay intuu ninkii shaadhkiisa xidhay kuleetiga amaa raqabada iska laalaadiyay ayuu yidhi waryaa Adigu hadaad anigii noqotay aniguna kumaan noqdaa?, eraygaas oo aan aad ugu qoslay wuxuu maskaxdayda hor keenay sawir sheekadaas u muuqaal eg markaas ayaan is weyudiiyay ninka doqonka lagu tilmaamay ee sheekadan laga sameeyay armuu caaqil is yeel yeelayay ahaa xikmadna uu uga jeeday.
Akhristoow nuxurka cinwanka iyo sawirka ay sheekadaasi ii bidhaamisay aan ku hor dhigo’e wuxuu yahay Umaddii Soomaaliyeed oo cidkale noqotay waxaanan aad u yaabaa kolkaan u fiirsado dhalan rogga guud ahaan dhaqankii umada Sooomaaliyeed ku dhacay iyo sida aysan waxaba ugu caymanin kaaga darane aan cidiba u dareensanayn, waxaad arkaysaa wax kasta oo ay Soomaalidu iskala weynayd maanta waa lagu qamaamayaa.
Kolkaan aad ugu fiirsado sida ay Soomaalidu maanta Itoobiyaanimo ugu qamaamayso maskaxdayda waxaa ku soo noqnoqda sooyaalkii taariikheed ee Soomaali iyo Itoobiya ay soo wada mareen iyo sida aysan Itoobiya cadaawadeedi haba yaraatee isu badalin in ay ka sii dartomooyaane, Itoobiya waxay haysataa dhul aad u baaxad weyn una barwaaqo badan oo Soomaali leedahay waxayna ku gumadaysaa dadkii Soomaaliyeed ee Alle uu dhulkaas ku uumay oo aan waligood dhibka gumaysiga u nuglaanin.
Dhulka Ogaadeenya ee ay Itoobiya gumaysato waxaa ku nool dad Soomaali oo dhan ka kooban waxaana ka socda halgan soo jireen iyo ab ogaa ah xiligii uu ugu xooga badnaa maraya oo ay Itoobiya loodin la’dahay.
Halganka Ogaadeenya ka socda Geeska Afrika oo dhan saamayn aad u balaadhan ayuu ku leeyahay wuuna guulaysan doona aakhirka Itoobiyana taas way rumaysantahay balse waa macangag oo dhaqankeedu waa miciyo dhiig leh, Itoobiyanku waa dad assal ahaan la isku jujuubay oo aysan wax badani ka dhaxaynin waxayna Itoobiyanimadu ka soo bilaabatay Boqortooyadii Abasiiniya ee dhulka Itoobiya ka talin jirtay.
Xukunka dawladnimo ee Itoobiya wuxuu ku bilowday isu xoog sheegasho iyo is muquunin ilaa maantana wax aan isu itaal sheegasho ahan Itoobiya kama jiro, dadyowga faraha badan ee maanta Itoobiya looqaano waa laysku jujuubay bale shacabka Soomaalida Ogaadeenya waligood ma ogolaanin Itoobiyaanimo hadda ka dibna ma ogolaan doonaan oo Allah ayaa ka koriyay, hardanka Geeska Afrika ka socda wuxuu u dhexeeyaa shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo ay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenay (JWXO) harmuud u tahay iyo taliska macangaga ah ee Itoobiya oo damac iyo dalbalaadhsi hor boodayo.
Shacabka Ogaadeenya iyo JWXO waxaa ehel u ah Soomaali oo Geeska Afrika intiisa ugu badan dagan bari samaadkiina awood laga cabsado lahaan jirtay balse qaran jabtay, Itoobiya oo qaran jabka Soomaali ku dhacay ka faa’iidayasnaysa waxay beeratay geed qaaqleyaal hangoolo u noqday umadoodiina niyad jabiyay (Soomali) taasina waxay sahashay shacbka Ogaadeenya oo iyagu wali qabkii Soomaalida ku hubaysan Itoobiyana diidmo qayaxan kala hor yimid in meel dhulkooda ka baxsan Itoobiya looga soo garbo duubo loona soo gacan galiyo.
Saraakiil iyo ciidan Itoobiya dirayskeeda xidhani shacabka Ogaadeenya meel dhulka Ogaadeenya ka baxsan kuma waxyeeleeyaan waxaase shaqadaas u qabta dad muuqaalka iyo magaca Soomaali ka ah afkaarta iyo dhaqankana Itoobiyaan ka ah runtiina waa wax laga tiiraanyoodo, waxaa iyana wax lala yaabo ah in ay Soomaalidu Itoobiya walaalo dhab ah ka dhigtaan Itoobiyana ay Soomaali godkay ku dhacday ku aasayso.
Hadaad shacabka Itoobiya si dhab ah u dhex gasho waxaad dareemi nacaybka iyo cuqdada fog ee ay Soomaalida u hayaan qaarkoodna waxayba aaminsanyihiin in aysan wax Soomaali la yidhaado oo Geeska Afrika wax ku lahaayiba jirin waxayna ku doodayaan dhulka balaadhan ee Soomaalia lagu magacaabo Itoobiya ayaa laga boobay.
Xaqiiqo ahaan shacabka Itoobiya ma jecla in ay Soomaalida is dhex galaan dhaqanka Soomaalida maantana Itoobiyaanku way ku qoslaan haddaba su’aashan ah Adigu hadaad anigii noqotay aniguna kumaan noqdaa? waxaa Soomaalida waydiinaya shacabka Itoobiya oo ka walaacsan in Itoobiyaan lawada sheegto kalsooni iyo damaanad qaadna aan dadka Itoobiyaanimada ku cusub ka haysanin.
La soco qaybaha dambe ee qormada
Rooda Ibrahim C. Gurey (Afjjano)
masnna@yahoo.com
DHAGEYSO:-“MAXAA DHIMAY”Gabay qiiro kulul iyo Abwaanad Rooda Ibrahim A. Gurey (Af-Janno)
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS