
Maleeshiyo beeleedka Dowlada Federaalka ah.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa weli hadal haya dhacdadii xanuunka lahayd ee dowladda federaalku shalay ku laysay dad maatti ah oo aan waxbo galabsan.
Dadka ayaa loo sheegay in masawiro laga qaadayo kaararna la siinayo si ay u cadaato in ay yihiin kuwii loo qorsheeyay in la siiyo waxa loogu yeeray badar hay’ado dhiibayaan ha yeeshee bedelkeeda dhiig badan baa la daadiyay.
Ciidamada ayaa dagaal dhex maray halkaasna waxaa ku dhintay dad badan iyadoo kuwa kalena ay ku dhinteen isbitaal madiina oo la geeyay.
Dhimashadu waxay gaareysaa toban ruux oo uu ku jiro wiil laba jir ah Kaasoo hooyadiis oo ximbaarsaneydna dhaawac soo gaaray.