DHAGEYSO:-Sheekh Xayaa Kallaah oo ka hadlay Waxbarashada Itoobiya Xili Arday Soomaali ah Waxbarasho loo geeyay!

pizap.com14478448417621.jpg

Dowladda Itoobiya oo marnaba aanan raali ka ahayn dal madax bannaan oo Soomaali la yiraahdo ayaa Soomaaliya ka qaada Arday Waxbarasho u aada Dalkaasi.

Dhulka ay  kataliyaan Maamulda Somaliland iyo Puntland ayaa sanad kasta waxaa ka taga Arday Soomaali ah kuwaasi oo waxbarasho ka bilaabaya jaamacadaha Itoobiya.

iyadoo Taasi ay jirtay in muddo ah ayay Itoobiya haatan bilowday  in Arday ay ka qaado Magaalada Muqdisho.

Sheekh Xayaa kallaah oo kamid ah Culimada Diinta islaamka   ayaa ka hadlay ujeedka Itoobiya ka leedahay ardayda waxbarashada u adeega dalkeeda iyo waxa la barayo.

Waxa uu sheegayaa Itoobiya inay tahay dowlad xag jir ku ah diinta Kirishtaanka.

Wuxuu ku nuux nuuxsaday  in arday badan ay ku kadsoomeen waxbarashada ka imaanaysaa kaniisadaha Itoobiya.

DHAGEYSO WAREYSIGA SHEEKH XAYAA KALLAAH.

Voice Of Somalia-SOMALI LEKAS.