DHAGEYSO:-Cadawgaadu hadduu fursad kaa helo muxuu kugu talaalayaa?

pizap.com14479333948511

Dalka Soomaaliya waxaa ka shaqeeya hay’ado shisheeye kuwaasoo talaala qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ah gaar ahaan caruurta laakiin cidina ma hubiso waxa ay yihiin waxa lagu talaalayo.
Maamulada dalka ka jira ayaa la siiyaa wax xoogaa dhaqaalo ah si ay horseed ugu noqdaan hir gelinta howshaan qatarteeda leh.
dhaqaatiirta Soomaaliya joogta ee aqoonta u leh talaalka waa yar yihiin waxaase xusid mudan in iyaga qudhoodu hay’adaha shisheeye qandaraas kula jiraan oo ay u shaqeeyaan.
Bulshada ayaa beylah u noqotay in wixii la rabo jirkooda lagu talaalo.
Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan oo kulliyadda daawada ka qalin jebiyay 1987-dii ayaa wareysi dheer oo ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ku sheegay in ay jiraan dowlado dadkooda aydhis horay loogu tallaalay asigoo liibiya tusaale u soo qaatay.
waxa uu ka sheekeeyay waxa uu talaalku yahay iyo qatarta uu la imaan karo haddii aan laga taxaderin.
Wuxuu ka hadlay waxa laga filan karo in bulshada Soomaaliyeed ay ku talaalaan hay’adaha qeybta ka ah shisheeyaha soo duulay.
dhaqtarka ayaa isweydiiyay sida nin cadawgaada ah kuu daweyn karayo.

Dhageyso Wareysiga Dr Xanafi Cabdi Sheekh