Waqti dalka soomaaliya uu kujiro gumeysiga ciidamada shisheeye ayay Xabashida Itoobiya sii wadda qorshaha maamul usameynta gobollada dalka Soomaaliya.
Bilo ka hor saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa magaalada Cadaado ka dhisay maamul dabadhilif ah oo loogu magac daray Galmudug.
Maamulkaasi waxaa hoggaamiye looga dhigay Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo katirsan xisbiga Damul Jadiid ee Xasan Gurguurte madaxda ka yahay.
Si Maamulkan uu danaha Itoobiya ugu shaqeeyo ayay madaxda Itoobiya amar kusiiyeen Cabdi Kariim Guuleed in uu iska xaadiriyo magaalada Addis Ababa ee caasimadda u ah wadankaasi.
Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa qasriga madaxtooyada Addis lagusoo dhaweeyay waxayna wafdigu awaamir ka qaateen wasiirka arrimaha Itoobiya Tedros Adhanom.
Sawirro ay faafisay wakaaladda wararka Itoobiya waxaa kasoo muuqanayay Guuleed gacmaha heysta Tedros Adhanom oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.
War rasmi ah oo xabashida Itoobiya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Galmudug ay kala shaqeyn doonaan arrimaha ammaanka iyo ganacsiga taasi oo macnaheedu yahay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Galguduud ay maamulkan ciidan u noqon doonaan islamarkaana Itoobiyaanku isticmaali doonaan dekadda degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
“Itoobiya waxay marwalba taageertaa maamul goboleedyada kajira dalka Soomaaliya,aad bay u danaynaysaa maamulka cusub ee Galmudug oo dhanka ammaanka iyo ganacsiga aan kala shaqeyn doono”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Itoobiya.
Dhammaan maamul goboleedyada soomaaliya kajira waxaa looga taliyaan Addis Ababa waxaana meesha ka baxday madax banaanidii ay sheegan jirtay kooxda Xasan Gurguurte madaxda ka yahay ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@yahoo.coms