Qaramada Midoobe “UN” oo Xaakim Cusub Usoo Magacaawday Soomaaliya

pizap.com14483634660931.jpg

Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa xaakim cusub usoo magacaawday dalka Soomaaliya oo ku jira maxmiyad gumeysi caalami ah oo reer galbeedka iyo dowlado Afrikaan ah kasoo shaqeeyeen.

Banki-moon oo ah xog-hayaha guud ee Q.Midoobe ayaa xalay saqdii dhexe magalada New York uga dhawaaqay in diblumaasi Ingiriiska u dhashay lagu bedelay N.Kay oo qudhiisa ahaa Britain.

War qoraal ah oo kasoo baxay Q.Midoobe waxaa lagu sheegay in Michael Keating uu noqon doono ergayga Q.Midoobe ee arrimaha Soomaaliya islamarkaana uu maamuli doono ciidamada AMISOM iyo maamul goboleedyada Soomaaliya kajira.

Michael Keating ayaa horay ugasoo shaqeeya magaalooyinka Qaza iyo Al-qudus ee dhulka Filasdiin gumeysato isagoo qaabilsanaa ilaalinta danaha Yahuudda.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS