Hagardaamooyinkii Xabashida iyo Duudsigii Xuquuqda Soomaalida.

12366227_10153519398714342_4681382547976063698_n

Ingiriisku wuxuu  heshiis la galay Boqorkii Xabashida (Menelik) inow  duulaankii lagu qaadayay Daraawiishta, isaga oo u tusiyey in Sayidku labadoodaba nacabkooda yahay, danahoodana carqalad weyn ku hayo. Waxaana Jigjiga laga soo diyaariyey 5,000 oo ciidamadii Abasiiniya ah oo ay la socdeen laba khabiir (sarkaal) oo ciidamada Ingiriiska ah. Waxaana ciidamadaas loo diray in ay tagaan “Togafaafan”, halkaas oo la filaayey in ay ahayd jidka keliya ee Sayidku  ku bixi  karo marka la jebiyo. Ugu dambayntiina Saddexdii bishii Diseember 1903 ciidamadii Xabashida ee Menelik u qorsheeyey in ay Daraawiishta la dagaalamaan ayaa ka baxay meesha loo yaqaan Baabiili. Isbahaysigii gumeystayaashu dagaalkii ay kula jireen Daraawiishta waxa uu socday ilaa aakhirkii 1920kii oo ahaa markii Darawiishta la jebiyey.

Gugii (1905) cabsidii Soomaalidu, gaar ahaan Banaadir Xabashida ka qabtey ayaa rumowday, ka dib markii ciidamo Xabashi ah oo lagu qiyaasay ilaa dhawr kun, aadna u hubaysnaa –oo Fardooley ah ay soo gaadheen ilaa duleedka magaalada Balcad oo Xamar wax yar u jirta. Qabiiladii Soomaalida ee dhulkaas deganaa ayaa u midoobay, halkaasna waxaa lagu jebiyey ciidamadii Xabashida. Labo sano ka dib markii Amxaarada la jebiyeyna waxa ay duulaan cusub ku qaadeen Luuq, halkaas oo ay dad ku laayeen xoolo aad u tiro badana ku dhaceen. Luuq waxa ay ka tirsanayd dhul 180 mayl ah oo ka bilaabanayey webiga Juba (waqooyiga Baardheere) ilaa laga gaadhaayo xuduudka Somaliland, hase ahaatee Xabashidu markaas sheeganaysay.

Mudadii u dhexaysay1905-1907, Waxa ay ahayd waqti ay yaraayeen dagaaladii ka dhexeeyey Soomaalida iyo gumeysigii Talyaaniga. Sida Talyaanigu aaminsanaa, xilligaasi wuxuu ahaa, xilligii xidhiidhka Daraawiishta Seyid M.C. Xasan iyo kuwii Banaadir sii kobcay. Waana waqtigii Seyidku warqadda u direy Biimaal, ee uu ku dhiiri gelinayey in ay gaalada jihaad ku qaadaan. Waxaase mudadaas dagaalo ka socdeen dhulka Soomaalida (Shabeele) ee Xabashidu isku fidineysay.

Markii taariikhdu ahayd 16 May 1908 Xabashida iyo Talyaaniga ayaa heshiis ku kala saxeexday “ku heshiinta” xuduudyada dhulka Soomaalida ee ay qaybsadeen.. Heshiiskaas waxa uu Talyaanigu Boqorkii Xabashida Menelik, ku siiyey 3 malyan oo Lire, si uu ugu wareejiyo dhulka ka bilowda Doolow ilaa laga gaadhayo webiga Shabeelle, marka dhinaca waqooyi Doolow looga baxo. Heshiiskaas labada dhinac gaadheen qabiiladii Soomaalida ee dhulkaas lagu heshiiyey deganaa cidina lama tashan, kala qaybsigaasuna wuxuu keenay in dhinaca Talyaaniga Raxanweyn la raaciyo, dhinaca Xabashidana Dagoodi, Ogaadeen iyo qabiilo kale oo badan la raaciyo.

Dadkii kala qaybinta iyo kala qoqobka dadka Soomaalida ka soo horjeestay waxaa ka mid ahaa Suldaankii Ajuuraanka, Suldaan Olol Diinle. Suldaanku waxa uu weeraro isdaba joog ah ku qaadi jirey dhulka Xabashidu iyo Qabiilada Soomaalida ee taageeraa degganaayeeen.

Suldaan Olol Diinle wuxuu dhashay dabayaaqadii qarnigii sideed iyo tobnaad, wuxuuna ku dhashay magalaada Shilaabo oo ka tirsan dhulka Xabashidu gumeysatyo ee hadda loo yaqaano Kililka shanaad. Halkaas oo uu dugsiga quraanka ka dhigtay kuna barbaaray. Suldaanka waxaa la sheegay in uu isaga oo lix jir ah ka soo hor jeestay Xabashidii dhulkaas imaan jirtay ee baadda (Gibirka) ka qaadi jirtay Soomaalida. Wakhtigaas maadaama dadka dhulkaas degganaa u badnaa ay xoolo dhaqato ahaayeen oo aanay lacag haysay Xabashidu waxa ay dadka ka qaadan jirtay Subag, Malab iyo wax kasta oo ay markaas anfac u arkayeen.

Soomaalidu wakhtigaas wax hub ah ma haysan oo aan ka ahayn waran, fallaadh iyo tooray. Sidaas darteed Xabashida oo hubka iyo rasaasta ka heli jirtay waddamada reer galbeedka, waxaa u suurto gashay in ay Soomaalida xoog ku muquuniyaan; dhulkoodana tartiib tartiib ugu fidaan. Wakhtigii Xabashidu dhulka Soomaalida ku fidaysay waxa ay isku dayday in ay odayaasha iyo wax garadka Soomaalida ka dhaadhiciso in ay xukunka Xabashida hoos yimaadaan, aqbalaana in ay yihiin dad Itoobiyaan ah. Suldaan Olol Diinle wuxuu ka mid ahaa odayaashii iyo wax garadkii arrintaas ka soo hor jeestay; ka dibna Xabashidu waxa ay bilowday in ay isku daydo in ay mucaaradkaas xoog ku muquuniso.

Soomaalida oo aad uga werwer qabtay in dhulkooda Xabashidu danaynaysay uu ku wareejiyo ayaa 1944kii odayaashii wax garadka ahaa ay ka codsadeen Ingiriiska in aanu Xabashida ku wareejin. Hase ahaatee, si Xabashidu u soo jiidato odayaashii ku kacsanaa ayey odayaashii qabiilada dhulkii la isku haystay degganaa mushahar kii Ingiriiska ka badan u qortay. Waxaa kale oo la weriyey in ay jireen odayaal labada dhinacba mushahar ka qaata. Waxa ay ahayd markii gabyaagii caanka ahaa ee Faarax Nuur uu lahaa:

“Ingiriis Axmaariyo Talyani, wey akeekamiye Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone ..Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye Waa duni ninkaad aamintaa kuu abeeys yahaye Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye Waa duni akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye” 

“Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo Asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine ,Hadaad niman Islaamiyo tihiin aadan ubadkisa oydaan Ilaahay ka go’in hayna oodina” Abwaan Faarax Nuur

Sannadkii 1947 Qabiiladii Soomaalida ee dhulka Itoobiya gumeysato degganaa oo dhan marka laga reebo Ciise, waxa ay ka soo hor jeesteen in dhulkooda Xabashida lagu wareejiyo . Waxa ayna Ingiriiska ka codsadeen in cabashadooda Qaramada Midoobay loo gudbiyo. Hase ahaatee, Ingiriisku dheg uma jalaqsiin cabashadii Soomaalida dhulkaas deggan, wuxuuna go’aansaday inuu dhulkaas Xabashida ku wareejiyo…wuxuuna Ingiriisku ku adkaystay inuu tixgelinayo heshiiskii uu Xabashida la galay 1942 iyo 1944 ee la odhan jirey Anglo-Ethiopian. Markii wareejintaas lagu dhawaaqayna waxaa magaalada Jigjiga ka dhacay mudaaharaad aad u weyn, waxaana ku dhintay 25 qof oo Soomaali ah.

Markii sanadku ahaa 1949 Suldaan Olol Diinle iyo toban nin oo kale oo ahaa kuwii ay siyaasad ahaan iyo halgan ahaanba aad isugu dhowaayeen ayaa Xabashidu xidhay. Nimankaas markii hore waxaa la isugu keenay magaalada Qalaafe, ka dibna waxaa loo gudbiyey Harar halkaas oo looga sii gudbiyey Addis Ababa…Xabsiga “Alanbaqa”—xabsiga aan ka soo noqoshada lahayn. Tobankaas nin waxa ay isugu jireen qabiilo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Ajuuraan, Baantu (reer shabeelle) iyo Ogaadeen. Waxaana ka mid ahaa laba nin oo Suldaanku adeer u ahaa oo la odhan jirey Cabdikariim Diiriye Olol Diinle iyo Cabdullaahi Diiriye Olol Diinle. Waxaa kale oo raggaas ka mid ahaa rag Suldaanka hablihiisa qabey. Waxaana aakhiritaankii (1953) Suldaan Olol Diinle lagu dilay Xabsigii Xabashida.

Taariikhdu markay ahayd 28 Feb. 1954 Ingiriisku isaga oo aan haba yaraatee tix-gelin Soomaalidii dhulka “reserve area” degganayd, ayuu xabashida heshiis cusub la galay. Wuxuuna si toos ah Itoobiya ugu wareejiyey dhulalkii Hawd iyo Reserve Area. Dhammaan maamulkii (shaqaalihii) dhulkaas degganaana ee Ingiriiska waxa lagu amray in ay ka baxaan, marka laga reebo ‘xafiis yar’ oo ku yaallay Jigjiga. Xafiiska oo uu maamule ka ahaa nin la yiraahdo John Drysdale. Sida Ingriisku sheegtay, ujeedada ugu weyn ee Mr. Drysdale xafiiskaas loogu reebay waxa ay ahayd inuu ilaaliyo xuquuqda daaqsinta ee xoolaha Soomaalida ee dhulkaas. Arrintu siday doontoba ha ahaatee, arrintaas Ingiriisku ku tallaabsaday waxa ay lama filaan iyo fajac ku noqotay dadkii Soomaalida ahaa ee dhulkaas degganaa iyo kuwii reer Somaliland; waxaana isla markiiba la sameeyey bannaan baxyo aad u waaweyn oo dadku ku muujinayeen in ay ka xun yihiin ‘munaafaqnimada’ Ingiriiska. Waxaana markiiba Wefdi loo diray London si ay dacwadooda ugu soo bandhigaan.

Inkasta oo magaalooyinkii Ingiriiska ee wefdigu booqday xoogaa beer jileeca (sympathy) looga muujiyey, haddana faa’iido la taaban karo kama soo helin. Ka dib markii dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya—Talyaanigu xukunkii ku wareejiyey, dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed (S.N.L iyo U.S.P) ee Somaliland ka jiray way iska yaraadeen.

Inkasta oo dhaqdhaqaaqyadii xisbiyadii mucaaradka ahaa ay daciifeen, waxaa sii batay kacdoonkii dadka (shacbiga) ka soo hor jeeday xukuumadda Xabashida. Kacdoonkaas cusubi wuxuu xoogaa garawshiyo (sympathy) ku abuuray maamulkii Ingiriiska ee Somaliland ka talinayey. Hase ahaatee, waxaa cadaatay in Ingiriiska arrintii farahiisa ka baxday. Waayo, wax kale iska daaye, xafiiskii Ingiriiska ee Jigjiga ku yiilay ayaa awoodiisii sii yaraatay, xuquuqdii dadkii Soomaaliyeed ee Hawd iyo ‘Reserve Area’ degganaana waxba wuu u qaban waayey. Heshiiskaas Xabashida iyo Ingiriisku wada galeen wuxuu ahaa mid asalkiisu ka soo jeeday, heshiiskii Ingiriiska iyo Xabashidu 1897, iyo kuwii 1942 iyo 1944kii. Xoghayihii Gumeysiga (Colonial Secretary) u qaabilsanaa—isaga oo difaacaya bixinta dhulkaas iyo taageerada Ingiriisku taageeray Xabashida ayaa khudbad uu ka jeediyey 1955kii Guriga Baarlamaanka (The House of Commons) wuxuu sheegay in bixinta dhulkaas ay asal u tahay heshiiskii 1897kii ; sidaas darteedna aanay sahlaneyn in haba yaraatee wax laga bedelo.

Bishii Abriil 1956, ka dib markii kacdoonkii Soomaalidu joogsan waayey, ayaa dawladdii Ingiriisku Wefdi u dirtay Itoobiya si ay ula kulmaan Boqorka laftiisa una soo bandhigaan qorshe dawladda Ingiriisku dhulkii Hawd iyo ‘Reserve Area’ dib uga ‘iibsanayo.’ Hase ahaatee Xabashida sheekadaasi way u cuntami weyday.

Bixinta dhulka Xabashida lagu wareejiyey waxaa siyaasad ahaan aad uga dagaalamay xisbigii NUF (National United Front) ee uu madaxda ka ahaa Michael Mariama oo aad caan ugu ahaa xornimo raadinta dhulalka Soomaalida ee la gumeysan jirey. Michael Mariama wuxuu si gaar ah door weyn uga ciyaaray shirkii guddiga afarta waddan (Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska iyo Ruushka) ee dagaalkii 2aad ku guuleystay lahaa ee arrinta Soomaalida looga hadlayey. NUF waxa ay sidoo kale ku guuleysan weyday qorshe ay ku codsanaysay in xaaladda looga shiro Qaramada Midoobay, laguna dhammeeyo maxkamadda caalamiga ah ee Hague, Holland.

Sannadkii 1958 khilaafkii Talyaaniga iyo Xabashida u dhexeeyey ee dhulka ‘Ogaadeeniya’ ku saabsanaa (xilligii daakhiliyadda Soomaaliya) ayaa Qaramada Midoobay (U.N) waxa ay u saartay guddi 3 ruux ka kooban, si ay arrintaas xal ugu helaan. Hase ahaatee, markii is-maandhaaf ka yimi habkii guddigaasi baadhitaanka u samaynaysay, ayaa U.N. waxa ay boqorkii Norway ka codsatay inuu magcaabo ruux caalamka magac ku leh (caan ah)—si uu guddigii hore loo magcaabay la taliye ugu noqdo. Wuxuuna magcaabay Mr. Trygve Lie, oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay hore u ahaan jirey, waxaana laga codsaday inuu soo jeediyo qodobo (terms) labada dhinac (Talyaaniga iyo xabashida) isku raaci karaan. Sanadkii 1959kii waxyaabihii Mr. Trygve Lie soo jeediyeyna waxa ay Talyaaniga iyo Xabashidu isku raaceen in ay dib uga wada hadlaan.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinkii iyo waxyaabihii labada dhinac soo bandhigeen qolona kumay qancin, xaaladdiina waxa ay ku dambeysay is-af-garanwaa, waayo Xabashidu waxa ay ku adkaysatay in khilaafka lagu dhammeeyo heshiiskii Talyaaniga iyo Xabashida dhex maray 1908 deedii; meesha Talyaanigu ku adkaystay in heshiisyadii kale ee caalamiga ahaa ee arrintan ku saabsan la tix geliyo laguna xalliyo; oo weliba la sii tix geliyo xaaladda iyo arragtida qabiilada kala duwan ee Soomaalida ku sugan dhulkaas. Wakhtigii Ingiriiska iyo hoggaamiyayaashii “British Somaliland” wada hadalka xornimada ku jireen, wufuudii Somaliland way diideen in ay ansixiyaan heshiiskii Ingiriiska iyo Xabashida dhex maray 1897kii, iyaga oo ka baqay in Ingiriisku dhulkaas dhaxal u helo. Arrinta ugu weyn ee qabiiladii dhulka Hawd degganaa khusaysey xagga daaqsinta xoolaha ayey ahayd. Xornimadii Somaliland ka hor, Xabashidu waxa ay sheegtay inaanay qabiilada reer Somaliland daaqi doonin ‘Hawd.’ Arrintu si kastaba ha ahaatee, wax yar ka dib maalmihii xornimada, waxa ay Xabashidu sheegtay in ay daaqsinta qabiiladaas u oggolaan doonto.

Mudadii Ingiriisku qorshaynayey in uu dadka “British Somaliland” xornimadooda siiyo, waxa uu wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska Mr. Bevin soo jeediyey in dhulalkii Soomaalida ee markaas Ingiriiskku gacanta ku hayey “Hawd iyo Reserve Area” iyo NFD lala mideeyo “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland” oo ay noqdaan “Soomaaliweyn.” Haddana Abril 1960kii markii Somaliland xornimada loo oggolaaday, wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriisku khudbaddii uu guriga Baarlamaanka (House of Commons) ka jeediyey wuxuu ku sheegay in arrintan (xornimada) aanay wax is bedel (xagga xuduudka) ah aanay ku abuurayn; isaga oo ula jeeday wadamada Faransiska, Itoobiya iyo Kenya. Arrintaas natiijadeedii iyo rajadii Soomaalidii reer N.F.D-na sidaas ayey ku dambeysay. Bishii Maarj 1961, shirkii koowaad ee Wadamada Afrikaanku Qaahira ku yeesheen, weftigii Soomaalidu wuxuu la kulmay wadamo badan oo aad uga soo horjeeda fikrada Soomaaliweyn iyo in goboladii maqnaa Soomaaliya lagu soo daro. Shirkii labaad oo Afrikaanku laba bilood ka dib ku qabteen Monrovia, Liberia waxaa lagu soo gebo gebeeyey in Jamhuuriyada Somaaliya iyo dawladaha ay xuduudka isku hayaan ay iyagu khilaafkooda dhammaystaan.

Taariikhdu markii ahayd Feb. 1964 dagaal ayaa ka dhex dhacay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya iyo xukuumaddii Itoobiya. Dagaalkaas oo ka dhacay magaalooyinka ay ka mid ahaayeen, Doolow, Feer-Feer iyo Tog-wajaale, wuxuu ahaa mid muddo si goos-goos ah uga socday xuduudka dhulka Xabashidu xoogga ku haysatao. Dagaaladaas intaan ciidamada Soomaalidu tooska uga qayb gelin waxaa wadey niman gobonimo doon ah oo uu hoggaamiye ka ahaa Makhtal Daahir. Makhtal waxaa markaas ka hor Boqortooyadii Xayle Selaase (Haile Selasse) ku xukuntay dil, laakiin Boqorka ayaa mar dambe toban sano oo xadhig ah ugu bedelay. Dagaalkaas waxaa markii dambe soo dhexgalay Ururka Midowga Afrika oo dhexdhexaadiyey labada dal. Waxaana lagu heshiiyey in labada waddan ku kulmaan dalka Suudaan. Ka dibna waxa ay labada waddan isku af-garteen: · Xabad joojin deg deg ah · In la magcaabo guddi ka kooban saraakiil labada dhinac ka socota oo baadha sababaha keenay dagaalka · In dhinac kast xuduudyada labada ciidanba ka durkaan masaafo dhan 20 Mayl.

Bishii Sebtembar 1968, Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ra Iisal wasaaraha Soomaaliya ahaa ayaa wuxuu ka qayb galay shir ay madaxweynayaashii Afrika (O.A.U) kaga qayb galeen magaalada Kinshasa, Zaire. Shirkaasna waxaa la sheegay in Cigaal si gaar ah ula kulmay weftigii ka socday dawladda Itoobiya, halkaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda dhulka Xabashidu gumeysato. Waxaase la weriyey in weftigii Xabashidu aanay wax xiiso ah u ahayn doonaynna in dhulka ay gumeystaan lala soo qaado. Halkaasna waxaa ku dhintay rajadii laga qabey in “Somaliweyn” iyo in la xoreejo dadyowgii Soomaaliyeed ee ku hoos noolaa cadaadiska Xabashida iyo Kenyaanka.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.