DHAGEYSO:-Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka khiyaano ku eedeeyay markii waqtigu kasii dhamaanayo!

pizap.com14469852183221

Hoggaanka dowladda Federaalka ayaa markale ka qeylla dhaamiyay gumeysi iyo bahdil joogta ah oo ay kala kulmayaan waxa loogu yeero beesha caalamka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wajahayso dhibaata dhanka dhaqaalaha ah kadib markii la waayay lacago malaayiin dollar ah oo Q.Midoobe iyo Midowga Yurub ay horay ugu ballan qaadeen.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay ku jirto marxalad adag islamarkaana looga baxay dhammaan ballamadii dhanka dhaqaalaha iyo melleteriga.

“Waxaan lamid nahay arday jaamacad dhiganaya oo aan ogeyn waqtiga uu qalin jebinayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay,warka kasoo yeeray hoggaanka dowladda Federaalka ayaa kusoo aadaya waqti N.Kay uu ku mashquulsanyahay kulminta hoggaamiyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya isagoo aan wali u sheegin qaabka ay u dhacayso doorashada madaxtinimada!.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS