ISLA WEYNIDII IYO HANKII SOOMAALIDA HORE IYO HURAALAYAASHA MAANTA.

35303462

Xiligii gumeysigii Ingiriisku uu joogey dhulka soomaaliyeed waa intii somaliya xornimada aysan qaadan sanadkii 1960,kii ayaa waxaa jirey nin Soomaali ah oo xannaanayn jiray fardaha ay lahaayeen madaxda Ingiriiska ee ku sugnaa magaalada hargeysa. waxaa hadaba dhacdey ninkaa soomaaliyeed Marka uu rabo inuu soo dhaqqo ama uu u meyrayo faraska wuu hoggaamin jiray laakiin markuu soo mayro ayaa ninku soo kooraysan jiray ama soo fuuli jirey. Dadkii soomaalida ahaa baa waydiiyey oo yiri maxaad marka horana faraska u hoggaamisaa marka dambana aad ugu joogtaa. Wuxuu yiri sababtu waxa weeyaan marka hore waxaanan rabin oo aan diidayaa dhididka nimankaas ingiriiska ah ee faraska leh laakiin markaan aan faraska fuushanahay waan soo dhaqqay oo waa nadiif.

Dhacdadan waxaan u soo qaatey inaan is bar bardhig ku sameyno sida ninkaa soomaaliyeed uu iskala weynaa ama damiirkiisu u diidanaa ajnabiga iyo heerka maanta madaxda soomaalida ay ka joogaan ajnabi jaceylka kuwaasoo na gaarsiiyey sida sawirka aad ku aragtaan dumarkeenii sharafta badnaa in iyagoo foorara ay kor taagan yahiin rag ajnabi ka ah gaar ahaan kuwa tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Beydhaba iyadoo la leeyahay haweenkaa soomaaliyeed tababar ciidamada ayaa la siinayaa.

Alla maxeynu jabneyeey soomaali hadii aanu nahay. halkaas markey taagan tahay xaalkeenu waa sida ninkii hore u yiri cadaabka qabrigaa ii nugleeyey somaliya in ajnabi siduu doono uu ka yeelo waxaa u nugleeyey madaxda soomaalida ee daba dhilifka iyo jawaasiista u ah ajnabiga.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS