DHAGEYSO-MARKO:Gobaha Waxbarashada oo loo badelay xaruma milateri.

 

Xaalad cakiran ayaa ka taagan Magaalo madaxda Gobalka Shabeelaha Hoose ee Marko.

Dadweynaha ayaa intooda badan magaalada ka barakacay halka kuwa yar ee ku haray magaaladana ay cabsi ku joogaan Magaalada.

Dagaal beeleed soo noqnoqday ayaa cuuryaamiyay adeegyada Bulshada ee Magaalada.

Maxamed Cismaan Yariisow oo wali sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Marko oo wareysi siiyay idaacada alfurqaan ayaa sheegay in xarumo ciidan ay isku badalen goobaha waxbarasho iyo caafimaadka  ee Magaalada.

Wuxuu dowlada ku eedeeyay inaysan waxba ka qaban dagaal beeleedyada halka ay ugurmatay Gaalkacyo iyo Baladweyn.

Dhageyso Wareysiga Gudoomiye Yariisow.lite

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS