Xaaskii Meles Zenawi oo qoyskeeda & hantideeda la baxsanaysa

Xaaskii Meles Zenawi Azeb Mesfin ayaa barteeda Facebook ku qortay qoraal ay ku muujinayso sida ay uga walaacsantahay xaalada Ethiopia ka soo cusboonaatay waxayna sheegtay in ay aad ugu cabsanayso nafteeda, caruurteeda & hantideedaba, Azeb waxay carabka ku dhufatay in ay ka fikirayso meeshii ay nabadgalyo u raadsan lahayd caruurteeda & hantedeena ay ula baxsan lahayd.

Azeb ayaa sheegtay in ay xaalada Ethiopia ka aloosan aad uga walaacsantahay isla markaasna aysan sii joogi karin oo ay cabsi weyni soo wajahday waxayna tilmaantay in dad badan oo Ethiopian ah ay cabsidaa & walaacaas la qabaan, Azeb waxay leedahay hanti faro badan oo ay ka samaysatay xoolaha umada mudadii uu xukunka hayay saygeedii dhagrta manta Ethiopia taala aabaha u ahaa ee Meles Zenawi oo sanadkii 2012 geeriyooday.

Ka sokow hantida faraha badan ee ay Azeb samaysatay waxay awood buuxda ku lahayd xisbiga talada gabaabsiga ah gacanta ku haya ee TPLF oo haatan ku shaqeeya magaca EPRDF waxayna Azeb si buuxda awood ugu leedahay xukunka macangaga ah ee wali ku shaqeeya qorshihii Zenawi & dariiqii uu jeexay isla markaasna ku dhisan dulmiga & is cadaadinta  oo manta daboyaaqo u muuqdo.

Dhanka kale Azeb walaalkeed Seyum Mesfin wuxuu ka mid yahay rukumada adag ee xisbiga talada sii dhacaysa haya ee TPLF/EPRDF waana qoys aan u kala hadhin dulmiga & gabood falka loo gaystay dhamaan qoomiyadaha Ethiopian-nimad lagu jujuubay ee haatan kacdoonka wada & gumaadka joogtada ah ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya loo gaysto, hadaba sida taariikhda laga bartay caqligana waafaqsan cidkasta oo dulmi samaysa waxay aakhirka ku dambeysaa luufluuf waxayna Azeb maanta meella la qaban la’dahay waxay ogtahay godobta qoyskeeda jiifta & dakanada la taala oo aan laga cafiyaynin.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS