Garoonka Bole International Airport oo Laciir Ciiraya Qoysaska Saraakiisha Woyaanaha oo Dalka Dibadiisa Udhoofaya.

addis-ababa

Ilo-wareedyo magaalada Addis Ababa   xaqiijinaya in Garoonka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa uu laciir ciirayo dad aad u tiro badan oo wadanka dibada uga dhoofaya.

Warkan ayaa sheegaya in qoysaska iyo xigtada saraakiisha Kooxda Woyaanaha iyo maal-qabeeno tiro badan oo Woyaanaha ku liilsanaa ay garoonka diyaaradaha ee Bole buux dhaafiyeen. Saraakiisha Woyaanaha oo ka quustay xaalada wadanka kajirta isla markaana u cabsaday inuu kacdoonkan Oromiya kasocda saamayn doono qoysaskooda ayaa go’aansaday ineey maxastooda gaystaan meel aamin ah oo wadanka dibadisa ah.

Waxaa kaloo warkan uu intaas ku darayaa in shacab fara badan laga kansalay diyaaradihii ay raaci lahaayeen kadib markii boosaskoodii lasiiyay qoysaska Saraakiisha Woyaanaha. Waxaa kaloo warkani uu tibaaxayaa in helitaanka diyaaradaha (Flight) uu noqday garabeeshin iyo qaraabo-kiil taasoo ay meel kasta qaateen qoysaska iyo xigtada Saraakiisha Woyaanaha iyo ku liilsaneyaashooda kabaha u qaada.

Dhinaca kale sidaad wararkaanagii hore kula socoteenba xaaskii uu ka geeriyooday Kaligii Taliyihii Woyaanada Meles Zenawi ayaa sheegtay ineey u cabsanayso qoyskeeda iyo hantideeda taasoo ay  muujisay ineey ku fikirayso sidii ay wadanka uga bixi lahayd meel aamin ahna u gaysan lahayn qoyskeeda iyo hantideeda.

Kala soco ONA wixii kasoo kordha xaalada cakiran ee Itoobiya ka aloosan.

ONA