Ciidamadii ugu badnaa oo Gonder gaadhay iyo qax kabilawday & Maraykanka oo muwaadiniintooda ku amaratay inay Ethiopia isaga baxaan.

Magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa lagu soo waramayaa inuu Qax balaadhan kasocda kadib markii Kumanaan ciidamada maamulku Woyanaha ahi ay buux dhaafiyeen Hareeraha magaalada.

Ciidamada ku Qulqulaya magaalada Gonder ayaa waxaa saacidaya diyaaradaha dagaalka oo Hawada magaaladaasi dul Heehaabaya, waxayna cabsidi ugu xooganayd soo food saartay dadka shacabka ah ee kudhaqan magaalada iyo nawaaxigeeda, kuwaasi oo dantu ku khasabtay inay magaalada isaga Barakacaan.

Ciidamada Kooxaha mucaaradka ah ee magaalada Qabsaday ayaa iyaguna dhankooda difaac adag uga Jira Hareeraha iyo Gudaha magaalada, iyaga oo doonaya inay ciidanka Woyanaha kula dhex dagaalamaan Gudaha magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada ayaa sheegaya in saacad kaste uu magaalada dagaal kaqarxi karo, maadaama Labada ciidan is Horfadhiyaan Qolo walibana diyaar u tahay dagaal lagu kala baxo.

35325569