DHAGEYSO:- Fiqi: “Caalamka Ma Ogola In Soomaaliya Ay Ciidan Yeelato”

35363350

Wasiirkii gaashaandgigga DF Cabdulxakiim Fiqi ayaa sheegay ineysan shisheeyuhu marnaba raali ka ahayn in Soomaaliya ay ciidam milatari ah yeelato, taasoo si rasmi ah u muujineysa in la hir galiyay warki madaxweynihii hore ee Kenya MOY ee ahaa “annaga iyo Itoobiya waxaan go’aan ku gaarnay ineysan Soomaaliya ka dhalan dowlad jirta oo awood leh”

Fiqi waxa uu sheegay in marar badan ay ku adkaatay inuu dhiso ciidamo, isagoo sheegay iney mar walba ka hor imanayeen caqabado ay ugu horeyso dhaqaale la’aan, waayo wuxuu ka dhawaajiyay in beesha caalamka aaney dhaqaale ku bixineyn dhismaha ciidanka.

Hadalka kasoo baxay Cabdixakiin Fiqi ayaa ka marqaati kacaya in DF iyo maamul goboleedyadu yihiin maqaar saar ay ku ugaartaan shisheeyaha doonaya inuu dalka qabsado, siiba Itoobiya iyo Kenya.

Voice Of Somalia-SOMAILI LEAKS