DHAGEYSO:-Suldaan Gar Yare: “Haddii Uu Sii Socdo Kacdoonka Itoobiya Waxaa Burburaya DF Iyo Maamulada Tigreega Ku Xiran”

pizap.com14507846647151

Suldaan Maxamad Gar Yare oo ah siyaasi Soomaaliyeed, ahna qoraa buugaag badan sameeyay, ayaa waxa uu si xeel dheer uga hadlay kacdoonka ka socda Itoobiya ee ay wadaan qowmiyadaha Oromiya iyo Amxaara.

Waxa uu shaaciyay halka rasmiga ah ee uu salka ku hayo iyo saameynta uu kacdoonkan ku yeelan karo maamulka dhiigya cabka ah ee talada wadankaasi haya.

Sidoo kale waxa uu ka waramay taarikhda qowmiyadda Oromo iyo sida loo soo dulleystay tan iyo markii ay gacanta gumeysiga ku dhacday. Intaa waxa dheer oo uu suldaanku tilmaamay in kacdoonka uu saameyn ku yeelan karo maamulada maqaar saarka ah ee ka jira Soomaaliya kuwaasoo ay Xabashidu toos ugu taliso.

Suldaan Gar yare ayaa tilmaamay in dalal badan oo afrika ah xilligan ay ka taagan yihiin kacdoono wajiyo kala duwan leh, isagoo tusaale usoo qaatay xaaladda cakiran ee dalka Burundi iyo koofurta Sudan.

Halkan Ka Dhageyso Suldaan Maxamad Gar Yare