Rabashadaha ka Socda Wadanka Ethiopia ee ka dhashay Cabudhinta iyo Cadaadiska Mudada Dheer soo heystay Shucuubta Ethiopia ayaa waxay Xukuumada Gumeysiga Ethiopia la daalaa dhaceysa siday Beesha Caalamka uga Qarin laheyd inta badan Waxaa ka Socday Ethiopia,iyadoo dhaqaale badan ku bixineysa Baraha Bulshadu ku xidhiirto siday u Jarto, Waxaa kale ooy Dowlada Ethiopia Si’aar ah Isha ugu heysaa Dhamaan Wariyaasha ka Howlgala Wadankaasi Ethiopia ee u shaqeeyay Warbaahinta ay leedahay Xukuumada EPRDF, Wasaarada War faafinta Etrhiopia oo Adeegsaneysay NISS waxay ku guuleysatay inay Xidho Qeyba kamid ah Baraha Bulshadu ku xidhiirto, sidoo kale Waxay Dabagal ku heysaa Talephonada Masuuliyiinta Mucaraadka Qoomiyada Oramiya ee ku sugan Wadanka Gudihiisa.
Ciidamada Sindoonka Ethiopia ee magacooda loo soo gaabiyo NISS aya waxay Gacanta ku dhigeen Wariye u shaqeyn jiray Radio Oramiya and TV oo ku yaala wadanka Gudihiisa kana Mid ahaa Warbaahinta ay Xukuumada Gumeysiga Ethiopia Gacanta ku heyso kuna Fushato Dacaayadaha ay Bulshada ugu tala gashay inay Sii heysato, Sida TV -Magacyada badan leh ee ku baxa Afka Soomaaliya (ESTV) wariyaha la xiray ayaa la sheegayaa inuu ka Sii daayay Radio Oramiya andTV mudaharaadada ka socda Gobalada Oramiya, waxayna Arintani layaab ku Noqtay Nidaamka ka jira Wadankaasi Ethiopia oo la Daalaa dhacayay Dagaalka uu kula jiro Warbaahinta Aduunka iyo Mida Mucaaradka Wadankaasi Ethiopia , in Qaar kamid ah Wariyaa shoodii gudbiyaan Xogtii laqarinayay.
Warbaahinta Aduunka oo isha ku heysa waxaa ka Socda Wadankaasi Ethiopia ayaa si kulul u Canbaareysa Wadhiga Wariye ay Qabteen Ciidamada Sirdoonka Ethiopia oo ilaahaata aan la ogeyn inay dileen iyo inuu nool yahay, Ururka udooda Xoriyada Saxaafada ee magiciisa loo soo gaabiyo CPJ xaruntiisuuna ku taalo wadanka Marekanka Magaalada New York ayaa waxaa uu sheegay inaan laheynin Wariyahaasi, aadna uga xunyihiin Qaabka ay ula dhaqantay Xukuumada Ethiopia wariye ku sugan wadankiisa oo gudannaya Shaqadii loo xil saaray oo ahayd inuu shacabka u soo gudbiyo hadaba waxaa ka jira wadan,Ururka CPJ ayaa ugu baaqay Xukuumada Ethiopia inay sida ugu dhakhsaha badan u soo deyso wariahaasi.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS