Itoobiya oo Degmooyin iyo Deegaano Katirsan Gobolka Bakool Ku Darsatay ‘Killi5’ Dhulka Soomaaligalbeed.

Waxgarad kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in xabashida Itoobiya ay xoog kula wareegeen deegaanno iyo degmooyin xadbeenaadka dhaca.

Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u sheegtay in deegaano katirsan gobolka Bakool la hoos geeyay dhulka Soomaaligalbeed ee “killi5” loo yaqaan.

Saraakiil ka socotay maamulka degmada Godeey ayaa talaadadii lasoo dhaafay socod ku tegay degmooyinka Yeed iyo Ceelbarde waxayna hoggaamiyaasha beelaha ku wargeliyeen in isbedel dhanka maamulka ah uu ka xasili doono deegaanada xadbeenadka dhaca ee gobolka Bakool.

Ugaas C/llaahi oo ah ugaaska beesha Hadamo ayaa warbaahinta u sheegay in Itoobiya ay go’aamisay in gobolka Bakool qeybo katirsan ku darsato dhulkii ay horay u gumeysan jirtay ee Soomaligalbeed.

 Durbadiiba degmada Ceelbarde ayaa laga dhisay maamul toos u hoos tagi doono xabashida Itoobiya,aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa horay uga digay in dhulka muslimiinta soomaaliya uu ugacan galo cadawga.

Itoobiya iyo Kenya ayaa dhul boob aan horay loo arag ka wada gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi.