Nin ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobey ee siyaasada Somaliya oo aan dooneyn in magaciisa aan sheego ayaa ii warramay wuxuna igu yiri:
Markii todobaadyo ka hor ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo dagaaladii dad badan ay ku dhinteen,qaar ay ku dhaawacmeen qaar ay qaxeen ayaa waxaa dhacdey in Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland mudane Cabdi weli Maxamed Cali Gaas uu diiday inuu saxiixo heshiiski gaalkacyo. Kadib shir loo dhan yahay ayaa isaga loo qabtay si loo qanciyo.
Shirka waxa fadhiyay ninka ku xiga Amb. Nicholas Kay, wakiilka midowga yurub ee somaliya, AU, IGAD, iyo General Gabre.Si kasta intii la yeelay ayaa madaxweyne Gaas lagu kari waayay inuu saxiixo heshiiska si cad ayuuna ugu gacan sayray xataa Ra,iisal wasare Cumar Cabdirashid oo si aad ah ula hadlay wuu ka diiday.
Kadib, waxa hadlay General Gabre oo yiri aniga 10 daqiiqo hala i siiyo oo dhamaantiin dibada iiga baxa aniga iyo Gaas isu keen daaya.
Sidii baa la yeelay wufuudii oo dhan dibada ayay u baxeen, 8 daqiiqo kadib ayaa General Gabre noo yeeray waan soo galnay isagoon hadlin ayuu waraaqihii iyo qalin hordhigay madaxweyne Gaas isagana waa saxiixay heshiiskii wuxuna gacan qaaday madaxweynaha maamul goboleedka Gal Mudug Cabdikariin Guuleed.
Waxaa hadaba dhacdey in Qolooyinka gaaladu ee shirka fadhiyey waxay la yaabeen laba qodob oo kala ah:
1. Waxa uu General Gabre u sheegay Madaxweyne Cabdi weli Gaas oo uu ku qanciyay.
2. Beesha caalamka UN, EU , AU iyo dawladda Somaliya iyo General Gabre yaa miisaan wayn marka ay noqoto arrimaha Somalia.
Waxay kaloo is waydiyeen madaxda beesha caalamka sida Farshaxaniistaha soomaaliyeed Amiin Caamir uu ku ogaaday oo uu sawir gacmeed uga sameeyey arrintas sababtoo ah shirka waxa fadhiyay wax soomaali ah Cumar Cabdirashid, Cabdi Weli Gaas, iyo Cabdi karin Guuled.
Marka leysku soo xooriyo halkas ayuu marayaa caqliga siyaasiyiinta somalida ee maanta iyadoo marka laga soo bilaabo madaxda ugu sareysa dawlada gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ilaa kuwa maamul goboleedyada dhamaantood waxaa u taliyo General Gabre oo waxuu ku amro ay markiiba fuliyaan iyagoo ka cabsanaya ama ka baqaya.
Rabbi baa noo maqan soomaaliyey.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.