Geerida Ayaa Dhaanto.

Qore: Omar Inshar1934057_949100638512958_2686602284304160505_n

Wasaarada shaqada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay gabdho Soomaali ah oo khadaamooyin ah ( Booyaaso ) “gabdhaha guryaha kashaqeeyo “ ay ka keeni doonaan Soomaliya ayagoo kaashanaayo xafiis ay Nairobi ku leeyihiin

Warbaahinta Sacuudiga yaa warkaas lagu baahiyay — wararka qaar ayaa sheegaayo in nidaamka Xassan Sheekh u  saxiixay Sacuudiga inay gabdhaha Somaliyeed guryaha ooga shaqeeyaan .

Shaqo ceeb ma ahan laakiin waxaa is weydiin mudan mataqaanaan dhaqanka dadka Sucuudiga?

Dowlada indonesia ayaa ku dhawaaqday in ay 7000 kun oo dumar Indonisiaan ah oo guryaha Khaliijk ka shaqeeyo ay dib wadanka oogu soo celin doonaan wadankoooda, dowlada Indonesia ayaa ku tilmaamtay in sidii xoolaha oo kale loola dhaqmo gabdhahooda taasna aan la aqbali karin .

Way jiraan dad wanaagsan laakiin inta badan dadka Sucuudiga bin aadamba u ma arkaan gabdhaha iyo darawaliinta u shaqeeyo mararka qaar wayba dilaan!.

“Inaad gaajo u dhimato ayaa kafiican in aad silic iyo saxariir iyo ihaano u dhimato ”

Wadamo Aasiyaan ah oo dumarkooda ka shaqeyn jireen Khaliijka ayaa dib u ceshaday diidayna inay u soo diraan Sacuudiga iyo wadamada dhaqanka xun ee la midka ah.

” Aniga waxaan indhahayga saaray gabar yar oo Muslimad Indonesiyad ah oo shaqaalo ah lana socoto 4 gabdhood oo waa weyn oo Khaliijiyiin ah waxay wadaa gabadha shaqaalaha ah labo boorso oo waa weyn gacantana waxay haysaa canug yar halka naagahaas waaweyn ee afarta ah iska laa fyoonayaan !

“Doodan waxaan u leeyahay        dumarkiyo caruurtoo

Dadkii idinka waynaa                   hadday idin duleeyeen

Dambi kama ay yaabine               cuntay idinka doortee

Duunyaa la dhaafsaday               dugsigaad galeeyseen

Dameerkuna ma yeelen               halkay talo ku daysteen

Dab intay shideen bay                  dalaq idinku siiyeen

Doox intay qodeen bay                ciid idinku daadsheen

Nin idiin damqanayaa                 idinkama dambeeye

Hadaydaan digtoonaan               daad bay idin qaadiye”

Sayid Maxamed Cabdille Xassan

DAAWO SIDA LOOLA DHAQMO DUMARKA MUSLIMIIMTA AH EE SACUUDIGA U SHAQA TAGA.