DHAGEYSO:-Dowladda Federaalka oo Sheegtay in Shirkadaha Turkiga ee Gacanta ku Haya Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo.

1904266_10152046982279342_720438266_n

Shirkadaha dowladaha Shisheeye ee xoogga ku jooga magaalada Muqdisho ayaa sare uqaaday boobka ay ku hayaan kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Dowladda Federaalka ee shisheeyaha la shaqeysa ayaa sanad ka hor dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah ilaha dhaqaalaha dalka ugacan gelisay laba shirkadood oo dalka Turkiya laga leeyahay.

Dhaqaalaha kasoo baxay madaarka iyo marsada Xamar waxaa kala qeybsada Turkiya iyo maamulka Xasan Gurguurte.

45% dhaqaalaha dekadda dhaqaaluhu waxay ku dhacaan qasnadda dowlada Turkiga halka 55% lasiiyo shakhsiyaad katirsan DF-ka waxaana meesha ka baxay lacago boqolaal kun dollar ah oo ay dekadda ka heli jireen xamaalata iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 Sidaasi si lamid ah lacagaha kasoo xarooda garoonka diyaaradaha badankood waxaa qaata dowladda Turkiga,shirkadaha kala ah Favori iyo Al-Bayrak ayaa dhaqaalihii caasimadda gacanta ku dhigay arrinkaasi waxaa walaac ka muujiyay isla saraakiil katiran DF-ka.

Nuur Faarax Jimcaale oo ku magacaaban Hanti-dhowrka guud ayaa shaaciyay in dowladda Federaalka aysan gacanta wax ugu jirin islamarkaana ilaha dhaqaalaha ay si iskood ah umaamushaan shirkadaha Turkiya.

“Dalka xisaabtiisa ma xirmi karto, haddii shirkadaha ilihii dhaqaalaha ee waddankan lagu wareejiyay aan la xisaabin karin,Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak si cad ayay noogu diideen inaan lala xisaabtano, waxaa ka dhaadhacsan, inaan la xisaabin Karin”ayuu yiri Nuur Faarax.

https://youtu.be/yrMD4SsswSk?t=1

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ku sugan shirkado shisheeye kuwaasi dhaqaale ka gurta dalka,aqoonyahanada soomaaliyeed ayaa horay u sheegay in soomaaliya kujirto gumeysi.

Dowladda Turkiya oo dhaqaale ka wadda dalka ayaa dhistay isbitaalkii hore ee Digfeer balse isbitaalkaasi wuxuu noqday midka ugu qaalisan dalka soomaaliya taasi oo meesha ka saartay sheegashadii Turkiga ee aheyd in ay wax u qabanayso shacabka soomaaliyeed.

Voice Of SOMALIA-SOMALI LEAKS