Boqolaal katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobollada Jubbooyinka.
Itoobiya ayaa qorshaysanaysa in ay la wareegto magaalada Kismaayo oo lafilayo in bilaha soo socda ay isaga baxaan ciidamada gumeysiga Kenya ee horay u heystay.
Ciidamada Itoobiya waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ka dajiyay diyaarado ay leedahay Q.Midoobe.
Sidoo kale markab kasoo shiraacday dekadda magaalada Berbera ayaa kusoo xirtay dekadda Kismaayo wuxuuna markabkaasi sidaa gaadiid gaashaaman iyo hub culus oo dowladda itoobiya leedahay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal Ooge Axmed Madoobe uu Itoobiya u saxiixay qabsashada Kismaayo iyo dekadeeda.
Col. Tesefaye oo ah taliyaha ciidanka Itoobiya ee Kismaayo jooga ayaa warbaahinta u sheegay in ay la dagaalami doonaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Itoobiyaanku ay si buuxda ula wareegi doonaan saldhigyada ciidanka Kenya ee magaalada kuwaasi oo dhankooda adkaysan doonaan xadbeenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaali si ay ubaajiyaan weerarada Shabaab ku qaadaan Kenya.
Gumeysiga Itoobiya ayaa doonaya in uu boobo dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed iyadoona la ogyahay in Kismaayo ay leedahay Dekad caalami ah islamarkaana Itoobiya ay tahay dowlad aan dekad laheyn balse waxaa adkaan doonta sida badeecooyinka Itoobiya ay ka degsan doonto Kismaayo ugaari doonaan addis Ababa ama Hawaasa sababtoo ah shabaabul Mujaahidiin ay ayaa gacanta ku haya dhammaan waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala Kismaayo.
TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED.