Tarsan ayaa hada sheegay in Soomaaliya la gumaysto!“WAAR NINKOW NINKOW NINKOW”

idtarsan134

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur “Tarsan”, ayaa hadasheegay  in gayiga Soomaaliyeed la gumaysto, Tarsan waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu ogyahay waxyaabo badan oo aysan la socon dadka qaar, waxa uuna si ganbasho la’aan ah farta ugu fiiqay in mustaqbalka iyo aayihii Umadda Soomaaliyeed lagu bedeshay dano gaar ah.

“Waa nasiib darro in madaxdii la aaminay ay Mustaqbalkii shacabka iyo maslaxadii qaranka ay ku bedeshaan dano yar oo dhow oo aan sii jirikarin, taarikhduna waa qormeysaa” ayuu yiri Tarsan.

 

Tarsan waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay gumeysi u horseeday Somalia, waxa uuna carabaabay in go’aan uusan ka go’in Dowlada islamarkaana xiligaani Siyaasada dalka uu yahay mid looga arrimiyo magaalada Addis Ababa. Isaga oo ka hadlaayay gumeysiga iyo dhibaatada ka jirta Somalia ayuu yiri “Heerka uu gaarsiisan yahay gumeysiga waxaa kaga filan in Labada maamul goboleed ee Somaaliyeed ay u dacwoodeen Dowladda Ethiopia waxeyna ka codsadeen in ay soo dhex gasho, taas oo keentey in Ethiopia ay si toos ah u soo dhex gasho. Dhacdadaas waxay mujineysaa in Somalia ayna waxba gacanta ugu jirin, waxaana markii danbe safar degdeg ah Addis Ababa ku aaday Axmed Madoobe oo lagu tuhmaayo inuu leeyahay qorshaha lagu dhisay Bakool Sare”.

Tarsan ayaa ah ooyin beenle “Danayste ah” wuxuuna horay u qiyaanay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho ku nool oo xumaan ku xusuusta Tarsan iyo kuwii oo qurabaha ka keenay.

Tarsan ayaa caan ku ah laba wajiilayn saacadba meel taagan, Tarsan ayaa qeyb weyn ku lahaa in shacabka loo gacan loo galiyo cadowgooda, gaar ahaan kuwa shacabka Gobolka Banaadir oo maanta la daaladhacaya dhibkii ay gaysateen Tarsan iyo kuwii ka danbeeyay.

Tarsan ayaa horey looga hayay in Itoobiya iyo wadamada dariska ah aysan ahayn kuwii hore oo ccadow ahaa!,Tarsan ayaa toban sano ka yar afar weji Soomaali la hor yimid!.

“WAAR NINKOW NINKOW NINKOW”

 

 

Voice Of Somalia -SOMALI LEAKS