Darwiishoow Ma Caafimaad Qabtay Markaad Itoobiya Lahayd Kusoo Dhawaada Dalkiina Labaad?.

35440248

Maxamad Warsame Darwiish oo ah daba dhilif ka tirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland ee ay shisheeyuhu dhiseen ayaa laba maalin ka hor si kal iyo laab ah magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay ciidamo Itoobiyaan ah oo diyaarad lagu keenay.

Ciidamadan oo hadafkoodu yahay iney Kenyaatiga kala wareegaan dekedda Kismaayo, ayuu Darwiish ku marxabeeyay hadallo ay dadku ka caroon oo uu ku muujinayay in Soomaaliya tahay dal labaad oo ay Itoobiya leedahay!!.

“Ciidamada AMISOM ee Itoobiya waxaanu leenahay gurigiinii labaad kusoo dhawaada” sidaasi waxaa ku hadaaqay Darwiish oo wajigiisa laga dheehanayay sida qof waalida ah ee uu u jecel yahay ilmihiisa u jecel Xabashida Itoobiya.

Goor aan xalay joogay meel maqaaxi ah oo ay Idaacad ka shidneyd ayaa waxaan mar qura ka war helay nin oday ah oo dhulka ku dhacay dadkuna kusii xoomayaan.

Ninkan oo qabay cudurka dhiig karka islamarkaana aan da’diisa ku qiyaasay 80 ayaa istaagga iska heyn waayay markii uu raadiyaha ka maqlay warka Dawiish, waxaana loo qaaday Isbital isagoo gacnaha ka jareynaya oo leh “war ninku ma caafimaad qabay markuu sidaa oranayay”.

Hadalkan ayaa igu dhaliyay inaan cinwaan uga dhigo maqaalka. Haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay, waa nin caynkee ah Darwiish, maxayse tahay fariinta dhabta ah ee uu warkiisu xambaarsan yahay?.

Darwiish ma ahan nin leh taariikh dheer noocey doontaba, balse haddii sooyaalkiisa gaaban la eego waa nin taariikh madow ku dhax leh ummada Soomaaliyeed.

Wuxuu lasoo shaqeeyay hogaamiye kooxeedyadii ka talin jiray magaalada Kismaayo iyo Puntland, isagoo ay shaqadiisa gaarka ahayd inuu Itoobiya u gacan galiyo cid walba oo kasoo cararta gumeysigooda dhulka Soomaali galbeed.

Qaar kamid ah dadkii uu u dhiibay Itoobiya oo rag iyo haween isugu jira waa la dilay, qaar way xiran yihiin illaa iyo maanta, halka qaarna la la’yahay meesha ay ku dambeeyaan.

Markii ciidamada Itoobiya dalka kusoo duulayeen sannadkii 2006 wuxuu safka hore uga jiray raggii hogaaminayay. Sidoo kale markey Muqdisho tageen wuxuu kaalimaha hore uga jira saraakiishii shacabka gumaadeysay.

Itoobiya ayaa darwiish ku abaal marisay inuu kamid noqdo maamulka Axmad Madoobe maadaama uu yahay camiil shaqo wanaagsan usoo qabtay, waana midda keentay in isna uu ku yiraahdo “kusoo dhawaada dalkiina labaad”.

Xilli waxaan mareynaa dadka liita ee dabaalada ah ay ka hadlaan wadan iyo ummada masiirkeed. waana arrin uu horay inoogu sheegay nabigeena csw.

Nabigeena csw wuxuu sheegay in dadka ay ku iman doonaan sanooyin dhagar iyo khiyaano ah, kan runta sheegaya ayaa waxaa la oranayaa beenlow, halka kan beenlowga la oranayo runlow, sidoo kale Khaa’inka ayaa la aaminayaa iyadoo aaminkana khaa’in la oranayo, waa xaaladda aan maanta ku jirno.

Nabiga csw wuxuu intaasi kusii daray oo in lagu baraarugo mudan in ay dabaalada hadli doonaan, marki wax laga weydiiyayna wuxuu ku sheegay nin aan waxba galin oo liita oo ka hadlaya arimaha caamka ah!

:عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

سيأتي على الناس سنوات خدّعات، يُصَدق فيها الكاذب ويُكذَّب فيها الصادق، ويُؤتمن فيها الخائن ويُخوَّن فيها الأمين، وينطق فيها الرويبضة

قيل وما الرويبضة يا رسول الله ؟ .. قال: «الرجل التافه يتكلم في أمر العامة

Hadalkan waxa uu noqon doonaa halku dhegga cusub ee ay daba dhilifyada Itoobiya isticmaali doonaan sannadka 2016, kadib markii ay ku daaleen eray bixintii sadax sano ka hor loo soo laqinay ee ay ku sheegayeen in Itoobiya walaalahood tahay.

Sikastaba ha ahaatee waxaan ku baraarunjin lahaa in ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah iney si dhab ah u eegto hadalka Darwiish oo daaha ka rogaya iney Xabashidu wadanka qabsato, gaar ahaan dekedda magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii waxaan ummada Soomaaliyeed oran lahaa, maanta dalka wuxuu u baahan yahay badbaado anigoo huba in haddii hurdada laga koco aysan Xabashi qabsan karin wadankeena. Fadhiga halaga koco oo Allaah hala tala saarto. GAALKII DHOOF KU YIMID BEY GEERIDU DHIBEYSAA.

W/Q Warfaa Kheyrdoon