Xildhibaan Dalxa “Magaalada Muqdisho waxaa ka jira dhul boob, Xabsiyadana Waxaa ka buuxa dad Masaakiin ah oo ku dhiban”.

35445791

Xilli ay shacabka magaalada Muqdisho tacadiyo kala duwan ka kulmayaan shisheeyaha dalka kusoo duulay ayay saraakiil katirsan DF-ka qireen in dadka ugu badan ee xabsiyada kujira ay yihiin kuwa aan wax dambi ah laheyn.

Max’med Cumar Dalxa oo katirsan xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in xabsiyada magaalada Muqdisho ay ku xiranyihiin kumanaan qof shacab ah oo aan wax dambi ah laheyn balse ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka sirdoonka DF-ka.

Wuxuu sheegay in xabasiyada gobolka Banaadir ay ka jiraan tacadiyo dhan walba ah oo shacabka loo geysto islamarkaana qof walba oo xabsiga kujira lagu eedeeyo dambiyo uusan gelin sida Argagaxiso,iyo in uu dilal umaleegayay dowladda Federaalka.

“Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay maalmihii la soo dhaafay dhul boob, waxayna noqotay mid joogta ah, hadaa fiiriso Maxkamadaha Gobolka Banaadir waxaa arkeysaa waxa kaliya ee la isku heysto inay tahay dhul, gur dhisan dad degenaa 1960-kii, oo heysta Sabarloogadoodii ay dad kale ku sheeganayaan”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Wuxuu soo hadal qaaday maxkamadaha gobolka Banaadir oo uu ku eedeyay in aysan u cadaalad falin shacabka muqdisho isagoo carrabka ku adkeeyay in dhibka ugu daran loo geysto shacabka masaakiinta ah.

Waxaa kale oo jira tobaneeyo qof oo gacanta hay’adaha shisheeye ku maqan kuwaasi oo aan la ogeyn halka lagu hayo waxaana la rumeysanyahay in xabsiya qarsoodi ah ay ku yaalaan xerada Xalane oo ay ku suganyihiin hay’ado reer galbeed ah.