WARBIXIN:-Mas’uul Ka tirsanaa Wasaaradda Ammaanka DF-ka Oo Dar Xumo Ugu Geeriyooday Magaalada Muqdisho.

pizap.com14521667517121.jpg

Waxaa  magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamad Cabdi Mascuud oo ka tirsanaa wasaaradda amniga qeybta sawir qaadista islamarkaana ahaa lataliyaha dhanka warfaafinta ee wasiirka amniga.

Wuxuu muddo laba sbuuc ah jiifay Isbitalka Digfeer isagoo la daalaa dhacayay xanuuno kala duwan oo soo wajahay sida ay dad ehelkiisa ah inoo sheegeen.

Aad bey u darnaayeen xanuunada soo wajahay mana muuqan in dalka wax looga qaban karo, sidaasi oo ay tahayna wax daryeel ah kama aanu helin DF-ka gaar ahaan wasaaradda amniga ee uu u shaqeynayay.
Yuusuf Garaad oo kamid ah saraakiisha madaxtooyada DF-ka ayaa xaqiijiyay in Mascuud uu u dhintay dar xumo iyo daryeel kadib markii ay wax uqaban waayeen madaxda DF-ka.

Wuxuu sheegay in isbitaalka Digfeer oo adeeggiisa caafimaad uusan  wanaagsanayn ladhigay Mascuud kadibna ay dib ugusoo laaban waayeen saraakiisha kale ee wasaaradda ammaanka.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee Internetka ku kashifay sida loogu shaqeysto shaqaalaha DF-ka kadibna loo dayaco taasi oo farriin cad u ah kuwa dabadhilifyada ah ee ku fikiraya in ay ku biiraan dowladda Federaalka ee shisheeye kalkaalka ah.

Isagoo hadlayay ayuu yiri” Lama dilin Mascuud. Xanuun ayaa soo riday, Isbitaalka Digfeer (sida weli loo yaqaan) ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay qiyaastii laba usbuuc ka dibna wuu ku geeriyooday. Allah ha u naxariisto.

Saaxiibbo badan ayaa maanta ku soo bandhigay saxaafadda Bulshada sida ay uga murugoodeen Mascuud geeridiisa, in ay ka tacsiyeynayaan iyo in ay Allah u baryayaan. Dabcan waxay raaciyeen wanaaggiisa oo ay “Soomaalidu inta badan u qirto qofka, keliya marka uu dhinto ka dib!”

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in mas’uulkan katirsanaa wasaaradda ammaanka DF-ka la waayay cid ka bixisa qarashaadka uu caafimaad ahaan u baahnaa taasi bedelkeedna dad ay saaxiiba ahaayeen ayaa bilaabay in ay lacago u tuugsadaan ama ay u tabarucaan balse la islama gaarine Mowdka ayaa usoo degdegay.

Yuusuf Garaad ayaa markale si dadban ugu digaya kuwa ku fikiraya in ay shaqa usoo raadsadaan dowladad Federaalka wuxuuna carrabka ku dhuftay in Mascuud markii hore uu ahaa wariye xariir badan leh balse markii uu ku biiray wasaaradda ammaanka wixii oo dhan ay jarmeen islamarkaana uu waayay cid geysa isbitaal adeegyo caafimaad oo dhamaystiran leh.

“Mascuud oo dhallinyarada da’diisa ah kuwa ugu dhaqdhaqaaqa iyo firfircoonida badan ka mid ahaa, xiriirro fara badan lahaa, Dowladdana u shaqeynayay, markii uu xanuunsaday ma helin cid u gurmata oo geysa isbitaal xaaladdiisa wax ka qaban kara. Bal qiyaas ninka ama gabadha isaga ku fac ah ee aan shaqeyn ee aan xiriirrada uu leeyahay oo kale aan lahayn.”.

Sida qof ay ehel yihiin uu ii sheegay, Mascuud wuxuu ku jiray Isbitaal aan xaaladdiisa caafimaad waxba ka qaban karin. Dowladda uu u shaqeynayay iyo saaxiibbadiisa faraha badan midkoodna kuma guuleysan in uu geeyo Isbitaal xaaladdiisa oo kale lagu daweeyo.

Isaga oo kaliya ma ahan dadka daryeel la’aanta u dhintay, waxaana ugu wacan iyadoo madaxda dowladdu yihiin kuwa aan u bisleyn dowladnimo, balse hadafkoodu yahay iney dhaqaale sameeyaan, shisheeyahana raali galiyaan.

Shaqalaha dowladda ayaa dhankooda u muuqda kuwa aanan ku quus qaadan waxa dhacaya, kuwaasi oo aad moodo iney u dhimanayaa danta dad kale.
Waxaa Xusida mudan in wariyaashii ku biiray warfaafinta Dowladda Federaalka ay kula qeybsameen illaa sedax qeyb,qaar ayaa lagu dilay waddooyinka Muqdisho,qaar ayaa dalka dibaddiisa ubaxsaday halka kuwa wali shaqeeya ay cabsi la noolyihiin waxaana ugu dambeeyay Mascuud oo dacyacaad u dhintay.

Liibaan Jeexoow Cabdi.